4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 13, 2017
Akhriso waxyaabihii looga wada hadlay shirkii gollaha wasiiradda ee Kismaayo lagu soo gabagabeeyay


Khamiis, July, 13, 2017 (HOL) –Golaha wasiirada xukuumadda federaalka Soomaaliya oo maanta kulankoodii todobaadlaha ahaa ku yeeshay magaalada Kismaayo ayaa waxa ay ka doodeen qodobo dhowr ah, ayadoo sidoo kale la ansixiyay xeerar ay soo gudbiyeen qaar kamid ah xubnaha golaha wasiirada Soomaaliya.

Furitaanka kulanka ayaa waxaa khudbad ku saabsan xaaladaha guud ee Jubaland, horumarrada la gaaray iyo caqabadaha jira ka aqriyay madaxweynaha Jubaland Mudane Axmed Max’ed Islaam, isagoo dhinaca kale sheegay in ay ku faraxsanyihiin in golaha xukuumadda Soomaaliya ay ku shiraan Kismaayo.

Taliyaha nabadsugidda Jubaland Mudane Sahal C/laahi Cali ayaa madasha ka aqriyay warbixin ku saabsan xaaladaha guud ee dhinaca amniga ee Jubaland, iyo siyaabaha ay uga hortagaan kooxaha kasoo horjeeda dowladda.

Intaa kadib ayay golaha wasiirada oo uu shir gudoominayay raysul wasaaraha dalka Mudane Xasan Cali Khayre waxa ay galeen shir ay saxaafaddu dibad joog ka ahayd, kaa oo qaatay saacado badan.

Shirka markii uu soo idlaaday waxaa warbaahinta u aqriyay wasiirka wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya Eng. C/raxmaan Cumar Cismaan Yariisow.

Qodobada ugu muhiimsan ee uu sheegay in shirka looga hadlay waxaa kamid ahaa;

•    In wasiirka wasaaradda boostada iyo isgaarsiinta Soomaaliya uu goluhu ka hor aqriyay warbixin ku saabsan adeegga internetka ee maqan, waxa uu sheegay in maalmaha nagu soo fool leh lagu guuleysan doono cillad bixinta, oo haatan ay dowladdu wado qorshe dib loogu howlgelinayo adeeggii Internetka.

•    Waxa uu sheegay in goluhu meelmariyay meelmariyay sharciga waxbarashada dalka iyo dib u eegista xeerka saxaafadda Soomaaliya
•    Wasiirka wasaaradda cadaaladda Soomaaliya Mudane Xasan Xuseen Xaaji ayuu sheegay in kulanka goluhu ka aqriyay warbixin ku saabsan maxaabiista ku xiran dalka dibaddiisa, isagoo soo jeediyay in la sameeyo gudi arimahaasi dabagal ku sameeya.

Raysul wasaaraha iyo xubnaha golaha wasiirada ayaa la filayaa in ay sii joogaan Kismaayo, ayadoo raysul wasaaruhu inta uu joogo uu kulamo la qaadan doono ururrada bulshada rayidka ah ee Jubaland. Waxaa sidoo kale lagu wadaa caawa in loo qabto xaflad lagu soo dhaweeynayo golaha wasiirada Soomaaliya.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismayo-Soomaaliya.