4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 13, 2017
Yemen oo la sheegay in uu ka dilaacay Daacuunkii ugu xumaa dunida

 

Khamiis, July, 13, 2017 (HOL) – Hay’adda QM ee UNICEF ayaa sheegtay in dadka dalka Yemen ay la tacaalayaan daacuunkii ugu xumaa ee dunida ka dillaaca.

Isbitalka El Sabeen ee magaalada Sanca ee caasimadda dalka Yemen ayaa teendhooyin laga sameeyey, ayada oo bukaanada si qulqul ah loogu soo daabulayo.

Dr Sherin Varkey, oo ah ku xigeenka wakiilka UNICEF ee Yemen, ayaa sheegay in illaa iyo hadda ay hayaan 317 kun oo ah kiisas la xiriira shuban biyoodka, islamarkaana ay diiwaan geliyeen dhimashada 1750 qof.

Dr Sherin Varkey ayaa sheegay in bar ka mid ah kiisaskaas ay yihiin caruur, islamarkaana hay’adaha gargaarka ay ka shaqeynayaan sidii adeeg caafimaad iyo biyo nadiif ah loo gaarsiin lahaa dalka oo idil.

QM ayaa toddobaadkan ku dhawaaqday inay qorsheyneyso inay hal milayn oo talaalka daacuunka ah geyso dalka Yemen, si looga hortago in cudurka uu dad kale asiibo.