4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 13, 2017
Digniin loo jeediyay dadka garsoorka u doonta deegaannada ay ka arimiyaan Al-shabaab

 Khamiis, July, 13, 2017 (HOL) – Taliyaha nabad-sugida gobolka Shabeellaha Dhexe Cabdulqaadir Cabdulaahi Xaayow ayaa markii ugu horeysay digniin culus u diray dadka garsoorka u doonta maxkamadaha Al-shabaab, isaga oo sheegay in tallaabo cad laga qaadi doono cid kasta oo dacwad u gudbisa meel aan aheyn maxkamadaha dowladda federaalka.

‘’ Go’aan cad ayaa laga gaaray oo dhinaca sharciga waafaqsan cid kasta oo lagu helo in ay garsoor u raadisay meel aan aheyn maxkamadaha dastuuriga ah ee dowladda federaalka’’ ayuu yiri taliyaha ciidamada nabad-sugida gobolka Shabeellaha dhexe

Inta badan bulshada ku dhaqan magaalooyinka ay maamusho dowladda federaalka ayaa marka ay is qabtaan dacwadahooda u gudbiya maxkamadaha Al-shabaab ee ka furan deegaannada ka baxsan dhulka ay maamusho dowladda halkaasoo ay ku xukuntamaan.

Gaar ahaan arimahan ayaa dhaca marka ay dadku  ku kalsoonaan waayaan maxkamadaha dowladda federaalka ee ka furan gobollada dalka, kuwaasoo dacwadahooda geystay deegaannada ay ka arimiyaan Al-shabaab.

“Qofkii tirsanaya in looga xukmiyay dacwad si qalad ah waxaa u banaan in uu racfaan u qaato maxkamada gobolka iyo weliba in uu racfaan u sii qaato Maxkamada sare ee dalka intaasna cadaalad darro iskuma raacayaan.”ayuu yiri taliye Xaayow.

Waa markii ugu horeysay oo ay soo baxdo digniin la xiriirta in ay bulshadu garsoor ka raadiyaan meel aan aheyn maxkamada dowladda federaalka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]