4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 13, 2017
Ciidamo Soomaaliya iyo Mareykanka isugu jira oo weeraray Al-shabaab

 

Khamiis, July, 13, 2017 (HOL) – Ciidamada Kumaandooska Soomaaliya ee loo yaqaano Danab iyo Ciidamo Mareykan ah ayaa xalay saqdii dhexe weerar ku qaaday saldhig Al-Shabaab ku leeyihiin deegaanka Kuunyo Barow ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Guddoomiyaha degmada Baraawe Xuseen Barre ayaa sheegay in xalay saqdii dhexe ciidamada kumaandooska iyo kuwa Mareykanka oo diyaarado watay ay ku degeen meel ku dhow Kuunyo Baroow ee gobolka Shabeellaha hoose.

“Ciidamada sida gaarka u tababaran ee Kumaandooska Soomaaliya iyo Ciidamada Mareykanka ayaa ku degay deegaanka Kuunyo Barrow, waxeyna bur buriyeen saldhig Al-Shabaab ku lahaayeen deegaankaas”ayuu yiri Guddoomiyaha degmada Baraawe oo la hadlay Wakaalada wararka Soomaaliyeed ee SONNA

Waxaa uu sheegay in deegaanka Kuunyo Barrow oo qiyaastii 90km u jirto Baraawe ay ka mid tahay goobaha Al-Shabaab ka soo abaabulaan weerarada iyo qaraxyada.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in todobaad ka hor uu deegaankan ka dhacay labo weerar oo ay fuliyeen diyaaradaha dagaalka Mareykanka.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Mareykanka iyo Taliska Ciidanka xoogga dalka, waxaana dhowr jeer oo hore jiray weeraro ay ka qeyb qaateen Ciidamada Mareykanka iyo kuwa Kumaandooska oo ka dhacay qeybo ka mid ah Shabeelaha Hoose.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]