4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 13, 2017
Mahad Cawad : Sharciga ayaa lala tiigsanayaa cid kasta oo warar dacaayad ah ka faafisa xildhibaannada

Khamiis, July, 13, 2017 (HOL) – Guddoomiye ku xigeenka Labaad ee baarlamaanka Soomaaliya Mahad Cabdalla Cawad ayaa sheegay in la sharciga lala tiigsan doono cid kasta oo warar been abuur ah iyo dacaayad ka faafisa sida uu hadalka u dhigay xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya.

Waxa uu sheegay in hadda kaddib aysan aqbali doonin in la iska dacaayadeeyo xildhibaanada Qaranka ama laga sheego warar aan munaasabad ku aheyn.

Waxaa uu sheegay in ay muhiim tahay in cadaalada laga wada shaqeeyo oo si isku mid ah ah loo dacweeyo loona ganaaxo mas’uuliyiinta dowladda iyo muwaadiniinta Soomaaliyeed hadii ay dambi ka galaan xildhibaanada Qaranka.

Guddoomiye ku-xigeenka ayaa intaa ku darray in ay jiraan qaladaad waaweyn  maalin kasta ay galaan dadka balse aan lagu ciqaabin, waxaa uu xusay in ay ku dadaalayaan sidii loo ciqaabi lahaa dadka mar walbo dacaayadaha ka faafiya xildhibaanada baarlamaanka.

Sidoo kale guddoonka baarlamaanka Soomaaliya ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay ka fogaadaan in ay qalad toos ah ka galaan xildhibaanada Qaranka oo ay warar been abuur ah ka sheegaan.

Hadalka ayaa imanaya xili dhawaan xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ka carroodeen hadal uu jeediyay Sheekh Nuur Baaruud Gurxan oo munaasabad ka sheegay in ay guryahooda ku weerari doonaan xildhibaannada la sheegay in ay wadaan mooshinka ka dhanka ah xukuumada federaalka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]