4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 13, 2017
St Cloud Minnesota oo lagu soo bandhigay Buug ay Qortay Hudda Ibrahim, Soomaalidii barafka timid

Khamiis July, 13 2017 (HOL)- Hudda Ibraahim oo barre sare ka ah kuliyadda farsamada ee magaaladda St Cloud ee gobolka Minnesota ayaa shalay daahfurtay buugg cusb ay qortay dhawaan oo la yiraahdo From Somalia to Snow” Soomaalidii barafka timi.

Buugga Hudda Ibrahim oo ku qoran luuqada English-ka waxa uu ka hadlayaa taariikhda Soomaalida u soo qaxday dalkaan, imaatinkoodii Maraykanka iyo sababaha ay u doorteen inay yimadaan Minnesota.

Daahfurka buuggaan oo ay ka soo qaybgaleen dad aad fara badan ayaa waxaa ka mid ahaa dadkii ka soo qaybgalay duqa magaalada St Cloud ee gobolka Minnesota Mayor Dave Kleis ,madaxda sare ee kuliyadda ay macalimadda ka tahay Hudda Ibraahim, waxayna dhamaantood qireen in buuggaan uu soo baxay xili loo baahnaa, Duqa magaaladda waxa sheegay in buuggaan uu aqriyey wax badana ka faaiidaytay .

Hudda Ibraahim oo HOL u warantay ayaa sheegtay in buuggeeda uu u fasirayo dadka Maraykanka Dhaqanka Soomaalida, caadooyinkooda,salaada Soonka,maxay haweenku u qaataan xijaabka,qaabka ganacsiga Soomaalida iyo waliba dhibaatada naga haysata ganacsiga iyo caafimaadka.

Dad badan oo isagu jira Soomaali iyo Maraykan oo buuuggan soo aqriyey  ayaa aad uga hadlay faaiidada uu u yeelan karo isdhexgalka bulshadaan buugga ay qortay hudda Ibraahim.


Siyad Said Salah

Hiiraan Online

[email protected]

Minneapolis,Minnesota