Cabdiwali Gaas : Dalku wuxuu u baahan yahay ciidamo leh Astaan Qaran
Khamiis, July, 13, 2017 (HOL) – Madaxweynaha dowlad
gobolleedka Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas kana mid ahaa madaxdii ka
qeybgashay shirkii gollaha amniga Qaranka ee Muqdisho lagu soo gabagabeeyay,
ayaa ka hadlay arinta ku saabsan dhismaha ciidamo Qaran oo isku dhaf ah.
Madaxweyne Gaas ayaa isaga oo jooga Garoowe sheegay in dalkan u baahan yahay sida
uu hadalka u dhigay ciidamo leh Astaan Qaran oo soo celiya nabadii iyo kala
danbeyntii dalka, isaga oo meesha ka
saaray warar leysla dhaxmaryay oo sheegayay in uu soo jeediyay Cabdiwali Gaas in dhismaha ciidamadaas lagu saleeyo nidaamka
4.5-ka.
‘’Wararkaasi waa ay ahaayeen kuwo warbaahinta oo kaliya ku eg, ma jiraan ciidamo lagu saleynayo 4.5, dalku wuxuu u baahan yahay ciidamo
leh Astaan Qaran’’ ayuu yiri madaxweynaha Puntland.
Dhinaca kale waxaa uu sheegay in sida kaliye ee looga adkaan
karo kooxaha argagixisada ayuu sheegay
in ay dadku bixiyaan canshuurta.
‘’Waa in shacab iyo ciidan la wada shaqeeyo, leys bar bar
taago ciidamada, haddii aysan labada dhinac wada shaqeynin suurtagal ma’aha in
lagu guuleysto howlaha amniga lagu sugayo’’ ayuu yiri madaxweynaha Puntland.
Hadalka madaxweynaha Puntland ayaa imanaya xili maalmihii
ugu danbeeyay soo baxayeen warar sheegaya in hogaamiyayaasha Soomaalida isku
khilaafeen sida loo soo xulayo ciidamada ka kala imanaya maamul gobolleedyada
dalka.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]