4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 13, 2017
Shirka gollaha wasiirada Soomaaliya oo maanta ka furmaya magaalada Kismaayo

 

Khamiis, July, 13, 2017 (HOL) – Shirkii todobaadlaha gollaha wasiirada xukuumada Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay lagu wadaa maanta in uu ka furmo magaalada Kismaayo ee xarunta ku-meel-gaarka u ah maamul gobolleedka Jubbaland.

Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Xassan Cali Kheyre iyo wafdi ballaaran oo uu horkacayo ayaa maalintii shalay gaaray Kismaayo, halkaa oo siweyn loogu soo dhaweeyay, waxaaana la filayaa in maanta ra’iisal wasaaraha uu shir guddoomiyo kulanka golaha wasiirada ku yeelanayaan Kismaayo.

“Booqashadeena Kismaayo waxaaa ay muujineysaa midnimo iyo in dawladda ay diyaar u tahay shacabkeedu in uu la xisaabtamo, waxaan Kismaayo ku qabanaynaa shirka golaha wasiirada oo muujinaya sida ay nooga go’an tahay in hoos loo eego deegaannada iyo dawlad gobolleedyada”ayuu yiri ra’iisal wasaaraha.

Madaxweynaha dowlad gobolleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam [Axmed Madoobe] ayaa marar kala duwan ku dhaliilay dowladda Soomaaliya howlaheeda shaqso ku soo koobatay caasimada Muqdisho, halkii loo baahnaa ayuu yiri dowladnimadu noqoto mid fur furan oo dalka oo dhan ku baahda.

Magaalada Kismaayo ayaa u muuqata mid la ciir-ciireysa wafuud kala gadisan, waxaana siweyn loo adkeeyay amniga.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]