4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 12, 2017
Wasiirka Isgaarsiinta oo sheegay waqtiga rasmiga ah dib loo helayo adeeggii Internet-ka Fiber Optic

 

Arbaco, July, 12, 2017 (HOL) – Wasiirka wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta xukuumada Soomaaliya Cabdi Canshuur ayaa sheegay in Markabkii cilidbixinta uu yimid maalintii shalay, lana filayo in sida ugu dhaqsiyaha badan dib loogu soo celiyo adeeggii Internet-ka.

‘’ Markabkii cilidbixinta waa uu yimid waxaa uu hadda howsha ka bilaabay halka ay ka soo leexato Fiilada Internet-ka ee Fiber Optic, Jimcaha ayaa la filayaa in uu soo gaaro dekedda weyn ee Muqdisho’’ ayuu yiri wasiirka.

Wasiirka ayaa intaa ku darray maalinta Jimcaha uu si rasmi ah uga howlgali doono halka ay cilada ka jirto oo ah meel aan ka fogeyn xarunta Xalane, islamarkaana Internet-ka maalinta Axada la heli doono.

Wasiir Canshuur waxaa uu beeniyay sababta uu Internet-ka u maqan yahay tahay lacago deyn ah oo lagu leeyahay shirkaddaha Isgaarsiinta, isaga oo ku qanciyay bulshada Soomaaliyeed in dekeda Muqdisho wali ku sugan yahay Markabkii gooyay Fiilada Internet-ka Fiber Optic.

Saameyn weyn ayeey arintan ku yeelatay adeegii guud ahaanba hay’addaha dowladda iyo xiriirkii bulshda intaba, waxaana ay dowladdu sheegtay in maqnaasha Internetka laga dhaxlay maalintii khasaare dhan $ 10 million oo doolar

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]