Xildhibaan Beene-beene “Lama joogo xilli mooshin laga keeno madaxda dowladda Soomaaliya”
Arbaco, July, 12, 2017 (HOL) –Guddoomiyaha
guddiga ganacsiga, maalgashiga iyo warshadaha ee baarlamaanka
Soomaaliya xildhibaan Maxamuud C/raxmaan Beene-beene ayaa sheegay in
xildhibaanada Soomaaliya aysan la socon wax mooshin ah oo laga keenayo
madaxda dowladda Soomaaliya.
“Ma
arkin mooshin laga wado madaxweynaha ama raisul wasaaraha, warkaas
waxaa keenay saxaafada iyo dad wax xun sheeg ah” ayuu yiri xildhibaan
Beene-Beene ka hadlayay kulan xog wareysi ah oo ay la yeelatay
jaaliyadda Soomaaliyeed ee Minneapolis, wuxuuna intaas ku daray.
“Madaxweynaha iyo dowladu waa cusub yihiin, mana ahan in khilaaf laga horgeeyo, waxaan ka sugeynaa wax qabadan iyo horumar”
mudane
Beene-beene ayaa Jaaliyada Soomaaliyeed ugu baaqay inay wanaagga ka
shaqeyso, wuxuuna sheegay in haddii aan lala shaqeyn dowladda iyo
baarlamaankaba aysan waxba qaban Karin.
“Waa
inaan wanaagga ku badinaa afkeenna, aan ka sheekeyno maxaa horumar la
gaaray? Imisa waddo ayaa la dhisay? Imisa School ayaa la dhisay? Imisa
qofood ayaa waxbarasho dibadda ah loo diray iyo imisa qofood ayaa la
shaqaaleysiiyay” ayuu sii raaciyay xildhibaanku.
Xubnaha
Jaaliyadda Minneapolis oo ka hadlay kulankan xog wareysiga ah ayaa
iyaguna ka walaacsanaa xaladda dalka Soomaaliya, gaar ahaan marxalada
siyaasadda, abaaraha iyo nolosha dadka caadiga ah.
“Dadlkeenu
meel kasta oo ay joogaan waxay u baahan yihiin Nabadgalyo iyo Naxariis,
ee aan ka wada shaqeyno nabadda iyo horumarka” ayuu Yiri Sheekh sacad
oo ka mid ah culimada Minneapolis.
Farah M Ali Blue
[email protected]
hiiraan Online
Minneapolis,Minnesota