4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 12, 2017
Qarax ka dhacay Barkoontarool oo ay ku sugnaayeen ciidammada dowladda

 

Arbaco, July, 12, 2017 (HOL) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qarax loo adeegsaday gaari kuwa xamuulka ah oo goor dhaw ka dhacay deegaanka Siinka-Dheer ee dulleedka magaalada Muqdisho.

Qaraxan oo inta badan laga maqlay qeybo ka mid magaalada ayeey goob joogayaal sheegeen in lagu weeraray Barkoontarool oo ay ku sugnaayeen ciidammo ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya.

 Khasaaraha lama oga inta uu la eg yahay hasse ahaatee goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa la sheegay in ay aheyd meel mashquul badan oo ciidammadu ay ku baarayeen tiro badan oo gadiid ah oo doonayay in ay soo galaan caasimada.

Wixii ka soo kordha waan idin soo gudbin doonnaa…

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]