4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 12, 2017
Weerar Labo ruux ay ku dhinteen oo ka dhacay magaalada Muqdisho

 

Arbaco, July, 12, 2017 (HOL) - Rag hubeysan oo watay gaari ayaa maanta degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir weerar ku qaaday ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya oo ku guda jiray howlgalo nabad sugid ah.

Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir Cabdifitaax Cumar Xalane ayaa sheegay in weerarka uu ku dhintay Askari ka tirsan ciidamada dowladda iyo gabar Ardey aheyd oo da’deeda lagu sheegay 14 sano jir waqtiga uu weerarku dhacayay goobta mareysay.

‘’ Afar ruux ayeey ahaayeen kooxda weerarka geystay, gaari yar ayeey wateen, walina baaritaanku waa uu socdaa, xogta oo dhameystiranna waa sugeynaa’’ ayuu yiri afhayeenka maamulka gobolka Banaadir.

Weerarka ayaa sidoo kale waxaa ku dhaawacmay labo askari oo ka mid ahaa ciidamada la weeraray.

Inkastoo magaalada Muqdisho ay ka socdaan dadaallo la doonayo in lagu sugo amniga haddana dhinaca kale waxaa mar marka qaar dhaca weerarro iyo qaraxyo sababa khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]