4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 12, 2017
Xildhibaannada baarlamaanka oo la horgeeyay miisaaniyadda Lixda bilood ee soo socta


Arbaco, July, 12, 2017 (HOL) - Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa maanta horgeeyay Baarlamaanka miisaaniyadda dowladda ku shaqeyneyso lixda bilood ee soo socota.

Miisaaniyadda lixda bilood ee ay ku shaqeyneysay dowladda ayaa ku ekeyd bishii la soo dhaafay ee June, iyadoo dalka uu xilligan yahay miisaaniyad la’aan.

Wasiirka Maaliyadda ayaa ka hor akhriyay Xildhibaanada Golaha shacabka miisaaniyada lixda bilood ee soo socota, sidoo kale waxaa uu hor-geeyay xisaab xirkii miisaaniyada ee sanadihii 2015 iyo 2016.

Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka ayaa loo qeybiyay miisaaniyada lixda bilood ee soo socota, waxaana ay soo akhrisanayaan 48 saacadood, iyadoo dib la isugu soo noqon doono 15-ka bisha oo ku beegan maalinta sabtida.

Baarlamaanka ayaa horay ugu celiyay Xukuumadda miisaaniyad sanadeedkii ay soo gudbisay, waxaana horay u ansixiyay miisaaniyad KMG oo aheyd saddex bilood ahaa.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]