4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 12, 2017
Madaxweyne Farmaajo oo daah furay Kalfadhigii labaad Golaha Aqalka sare ee Soomaaliya

 

Arbaco, July, 12, 2017 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa maanta si rasmi ah u furay kalfadhiga labaad Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya.

Xaflad furitaanka oo ka dhacday xarunta Aqalka sare ayaa waxaa ka qeyb galay Madaxweynaha, Guddoomiyaha Aqalka sare, Guddoomiyaha Golaha shacabka, Ra’iisul Wasaaraha, Xildhibaano, Madaxweynaha Galmudug iyo wakiilo ka socday Beesha Caalamka.

Madaxwaynaha oo khudbad u jeediyey Golaha ayaa ugu baaqay mudanayaasha in ay ka miri dhaliyaan himilooyinka shacabka ay wakiilka ka yihiin, ayna kaalin mug leh ka qaataan dib-u-hanashada sharafta iyo qarannimada Soomaaliya.

Madaxwaynu waxa uu tilmaamay howlaha adag ee horyaala Golaha Aqalka Sare sida Dib-u-eegista Dastuurka, Wadatashiga iyo u kuur gelidda xaaladaha siyaasadeed iyo dhaqan-dhaqaale ee Dowlad Goboleedyada, Dejinta Hannaan Awood-qaybsi oo ka dhexeeya Dowlad Goboleedyada iyo Dowladda Federaalka; hannaankaas oo ku salaysan is aaminaad iyo danta guud.

“Waxaa tihiin rajadii Soomaaliya ka saari lahayd jahwareerka siyaasadeed, waxaana la idinka fadhiyaa inaad dhidibada u aastaan dowladnimada, dalkana ka hirgelisaan dheeli-tir iyo xasillooni siyaasadeed.”

“Waa in Labada Aqal ay ka wada shaqeeyaan sida danta qaranku ku jirto oo meel iska dhignaa danaha qofeed, kooxeed ama beeleed, waana inay ka odayeeyaan hannaanka Dib-u-eegista Dastuurka.”

Madaxaweynaha ayaa kula dardaarmay labada Gole ee Baarlamaaka Jamhuuriyadda in ay xoojiyaan xiriirkooda, ayna adkeeyaan wada shaqaynta ka dhexeeysa labada gole sida ku cad Qodobka 56aad ee Dastuurka Kumeel Gaarka ah Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]