4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 12, 2017
Amarkii maamulka gobolka Banaadir ee Beerta Nabada oo shaqeyn waayay

 

Arbaco, July, 12, 2017 (HOL) - Maamulka gobolka Banaadir ayaa ka laabtay amar uu horay u soo saaray oo ahaa in shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho lacag la’aan ku gali karaan Beerta Nabada oo ah dhul ay dowladdu leedahay laakiin ay hagaajiyeen ganacsato Soomaaliyeed.

Arintan ayaa khilaaf weyn ka dhax abuurtay maamulka gobolka iyo ganacsatada Beerta Nabada oo markiiba ku gacan-seyray amarka ka soo baxay maamulka gobolka Banaadir ee ah in aan wax laga ah laga qaadi karin dadka halkaa u dalxiis taga.

Kulan dhaxmaray ganacsatada iyo maamulka gobolka Banaadir ayaa leysku afgartay in sidii hore loo daayo soo galitaanka Beerta ee aheyd in qofka u soo dalxiis tagaya laga qaado lacag dhan $ 1 dollar.

Beerta Nabada oo ku taala dhabarka danbe ee taallada SYL ayaa ka mid ah goobaha ugu qurxoon magaalada caasimada oo ay dadku u nasasho tagaan, waxaana ku yaala gudaheeda maqaaxiyo laga cunteeyo, xarumo jimicsi iyo waliba agabyo kale oo ay dadku ku madadaashaan.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir Taabit Cabdi Maxamed iyo tan iyo markii xilkan loo magacaabay soo saaray amaro is xig xigay oo dhamaantood shaqeyn waayay, tasaale ahaan guddoomiyaha ayaa 26 bishii  April ee sanadkan faray waaxyaha kala duwan ee dowladda in is badal lagu sameeyay magaca gobolka Banaadir oo loo badalay ‘’ Benaadir’’ wixii hadda ka danbeeyana aan la isticmaalin karin magaca ''Banaadir'' laakiin ma noqon wareegtaasi mid shaqeysa oo wali waxaa muuqata in la isticmaalayo magaca Banaadir.

Sidoo kale Bishii May ee sanadkan ayuu guddoomiyuhu soo saaray wareegto kale oo gadiidka AMISOM looga mamnuucayo isticmaalka wadadda Maka Al-Mukarama, hasse ahaatee isla maalintaa ay soo baxday wareegtada ayaa la arkayay gadiidka AMISOM oo si caadi ah u isticmaalaya Jidka Maka Al-Mukarama waxaana amarka guddoomiyaha ku gacan-seyray afhayeenka ciidamada AMISOM.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]