Mareykanka iyo Qatar oo heshiis kala saxiixday
Arbaco, July, 12, 2017 (HOL) - Dowladaha Mareykanka iyo Qatar ayaa Talaadadii wada saxiixday
heshiis is-faham ah oo ka dhan ah argagixisada, xilli ay wali taagan tahay
xiisada siyaasadeed ee ka dhex aloosan dalalka Khaliijka.
Isaga oo dhinac taagan Wasiirka arrimaha dibada Qatar
Mohammed bin Abdulrahman al-Thani, ayuu xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka
Rex Tillerson ku dhawaaqay in heshiiskani uu yahay mid tallaabo loogaga qaadayo
kuwa maalgeliya argagixisada.
Mr. Tillerson ayaa shalay isu maray caasimadaha Qatar iyo
Kuwait, halka maantana la filayo inuu tago magaalada Jeddah ee Boqortooyada
Sacuudiga si uu ula kulmo madaxda dalalka go,doomiyey Qatar.
Dowladaha Saudi Arabia, Isutaga Imaaraadka Carabta,
Bahrain iyo Masar ayaa shanti bishi June jaray xiriirkii diblamaasiyadeed ee
kala dhaxeeyey dalka Qatar kadib marki ay ku eedeeyeen in Doha ay taageerto
argagixisada.
C/raxmaan Diini, Hiiraan
Online
[email protected]