4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 12, 2017
Dhismaha qalabka lagu maamuli doono hawadda Soomaaliya oo la bilaabay Sawirro

 

Arbaco, July, 12, 2017 (HOL) - Xarunta hay’adda Saadaasha iyo Duulista Hawada ayaa waxaa si rasmi ah uga bilowday Dhismaha iyo Rakibaada qalabka loogu tala-galay in lagu maamulo hawadda Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa doonaysa in ay maamusho maamulka Hawadeeda, islamarkaana ay la socoto dhaq dhaqaaqa hawadda Soomaaliya.

Maareeyaha Guud ee hay’addaa Duulista iyo Saadaasha Hawada Yuusuf Cabdi Cabdulle (Yuusuf Jaalle) ayaa warbaahinta u sheegay in si rasmi ah muddo 27 sanno kaddib laga maamuli doono Hawada Soomaaliya magaalada Muqdisho.

 

Dowladda Soomaaliya ayaa wadda dadaallo kala duwan oo ay ku doonayso in ay kula soo wareegto maamulka hawadda Soomaaliya oo hadda ay gacanta ku heyso ICAO.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]