4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 12, 2017
Kalfadhiga labaad golaha Aqalka sare ee baarlamaanka oo maanta furmaya

 

Arbaco, July, 12, 2017 (HOL) - Kalfadhiga labaad ee Golaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta furmaya, iyadoo lagu wado in Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo uu si rasmi u furo.

Xildhibaanada Aqalka Sare ayaa muddooyinkii u dambeeyay fasax ku maqnaa, waxaana furitaanka kalfadhigooda uu ku soo aadayaa, iyadoo maalmo ka hor uu furmay kalfadhigii labaad ee Golaha shacabka.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa lagu wadaa inuu maanta si rasmi ah u furo kalfadhiga labaad ee Aqalka sare, iyadoo ammaanka si aad ah loo adkeeyay.

Xildhibaanada Aqalka sare oo ka kooban 54 Senator ayaa kalfadhigoodii koowaad ku soo doortay guddiyo kala duwan, iyo hindise sharciyeedyo ay ku howl galayaan.

Amniga ayaa siweyn loo adkeeyay inta u dhaxeysa Madaxtooyada illaa Baar Fiat oo ku dhow xarunta Aqalka sare ee Kuleejadii Nova Somane.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]