4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 12, 2017
Shirka Golaha wasiirada Somalia oo Maalinta Beri ah lagu Qabanayo Kismaayo iyo Golaha wasiirada oo ku wajahan


Arbaco, July, 12, 2017 (HOL) -Ra'iisul-wasaaraha Somalia Xasan Cali Khayre iyo xubno ka tirsan golihiisa wasiirada ayaa lagu wadaa in maanta galinka hore ay ka dhoofaan garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.

Safarkan oo ay ku tagayaan magaalada Kismaayo ayaa horey loo sii qorsheeyay kaddib markii Ra'iisul-wasaaruhu uu sheegay in todobaadkan kulanka golaha wasiirada lagu qaban doono magaala madaxda Jubbaland ee Kismaayo.

Diyaarad-da koowaad oo ka bixi doonta Aadan Cadde ayaa qaadi doonta ra'iisul-wasaare ku xigeenka iyo xubno kamid ah golaha wasiirada ,waxaana la sheegay in amniga magaalada Kismaayo aad loo adkeeyay.

Kulanka ay wada qaateen ra'iisul-wasaare Khayre iyo guddiga joogtada ah ayaa looga hadlay arimo ay kamid yihiin shirka golaha wasiirada ee lagu qaban doono Kismaayo, xilli ay jiraan xubno ka tirsan dowladda oo arintan dhaliil usoo jeediyay.

Qodobada diirad-da lagu saari doono kulanka wasiirada waxaa kamid ah amniga dalka iyo sidii kulamadan caynkan oo kale ah loogu qaban lahaa qaybaha kala duwan ee dalka gaar ahaan caasimadaha maamul- goboleedyada.

Ugu danbayn, waa markii ugu horeysay oo shirka golaha wasiirada Somalia lagu qabanayo meel ka baxsan Muqdisho , tan iyo markii ay dalka ka dhaceen dagaalada sokeeye ,waxaana qorshaha wasiirka koowaad ee dowladda soo dhaweeyay qaar kamid ah shacbaka Somaliyeed.  

Faysal M. Hassan
[email protected]