4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 11, 2017
DAAWO: Madaxweynaha Jubaland oo ka warbixiyay shirkii Golaha amniga Qaranka ee Muqdisho
Talaado, July, 11, 2017 (HOL) - Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubaland oo mudooyinkii u danbeeyay ku maqnaa magaalada Muqdisho halkaa oo uga qeybgalay shirkii golaha amniga Qaranka ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka J/hoose.

Madaxweynaha waxaa safarka ku wehlinayay wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada Mudane Maxamed A Salaad (Oomaar), oo hordhac u ah golaha xukuumadda oo la filayo in Khamiista nagu soo aadan shirkoodii todobaadlaha ahaa ku yeeshaan Kismaayo, waxaana garoonka si diiran ugu soo dhaweeyay madaxweyne ku xigeennada iyo xubno ka tirsan labada gole ee dowlad goboleedka Jubaland.

Madaxweynaha oo imaatinkiisa kadib warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in magaalada Muqdisho uu uga soo qeybqagalay shirkii golaha amniga Qaranka, isagoo xusay in shirkaasi guul kusoo dhamaaday.

Waxa uu sheegay  in arimaha ugu muhiimsan ee looga hadlay ay kamid ahaayeen sidii loo qaabeyn lahaa ciidamada qalabka sida, difaaca iyo dhismaha guud ee ciidamada dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada.

Waxa uu xusay in sidoo kale laga wada hadlay sidii loo suurogalin lahaa in laga maarmo ciidamada AMISOM ee ku sugan Soomaaliya islamarkaana ammaanka dalka ay la wareegaan ciidamada xoogga dalka Soomaaliya.

Waxa uu sheegay in aysan waxba ka jirin wararka sheegaya in shirka la isku khilaafay, isagoo warbaahinta ku eedeeyay in ay baahisay warar xaqiiqada ka fog oo ku aadan shirkii golaha amniga qaranka.

Dhinaca kale, Madaxweynaha ayaa sheegay in Kismaayo ay maalinta khamiista ah martigelin doonto shirka golaha wasiirada xukuumadda Soomaaliya, arrintaa oo uu sheegay in ay ku timid kadib dadaallo ay ku bixiyeen sidii loo abuuri lahaa jawi wada shaqeyn iyo isdhexgal iyo in dowladdu marba meel ku shaqeeyso, isagoo xusay in sidoo kale ay rajeynayaan in Baarlamanku sidaa si lamid ah marba gobol ku shiri doonaan.

Halkan ka daawo Muuqaalka;

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.