4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 10, 2017
Maamulka Khatumo oo ka digay shir la sheegay in lagu qabanayo Buuhoodle

 

Isniin, July, 10, 2017 (HOL) – Mas'uuliyiinta maamulka Khaatumo ayaa digniin ka soo  saaray shir la sheegay in lagu qaban doono magaalada Buuhoodle ee  xarunta gobolka Cayn.

Masuuliyiintan oo warsaxaafadeed ku qabtay magaalada Widhwidh oo jaatan xarun u ah maamulka Khaatumo ayaa waxa ay sheegeen in ay jiraan madax-dhaaameedyo iyo siyaasiyiin ku sugan Caasimada Soomaaliya ee Muqdisho kuwaas oo sheegay in shir beeleed lagu wiiqayo maamulka Khaatumo ay sheegeen in lagu qabanayo Buuhoodle.

Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa ugu horeyn sheegay in ay jiraan siyaasiyiin iyo madaxdhaqameed Muqdisho ka hadlay oo sheegay in ay shir ku qabanayaan Buuhoodle kaas oo uu tilmaamay in aanay suuragal ahayn.

"Dadka Xamar ka wada shirarka ee leh waxaa lagu qabanayaa Buuhoodle shir waxaan leenahay laguma qaban karo haddii ay isku dayaana wixii ka dhaca iyagaa ka mas’uul ah" sidaana waxaa yiri gudoomiya baarlamaanka maamulka Khaatumo Maxamuud Sh Cumar "Sudjayo".

Waxaa kaloo halkaasi ka hadlay qaar badan oo ka mid ah wasiiro, Xildhibaano iyo waxgarad dhamaantood si iskumid ah uga soo hor jeestey shirkaa la sheegay in uu ka dhici doono Buuhoodle.

Shirkan ayaa waxaa xili sanad ku dhow ka hor iclaamiyey inta badan madaxda dhaqanka ee degaanada Khaatumo sheegato in ay metesho kaas oo dhawr jeer dib u dhac uu ku yimid oo ay inta badan abaaro daba dheeraaday ay sabab u ahaayeen.

Waxaan haatan magaalada Muqdisho Ku sugan madax-dhaqameed iyo in badan oo ka mid ah siyaasiyiintii aasaasay Khaatumo oo saluug ka muujiyey wadahadalada Khaatumo iyo Somaliland u socda.

Dhinaca kale Wasiirka Arimaha Debeda Khaatumo Maxamuud Ismaaciil Shabac ayaa ka hadlay shir lagu balansanaa magaalada Burco oo khilaaf dhaliyey markii Somaliland ay sheegeen in uu dibudhac ku yimid 14 maalmood taas oo dhinaca Khaatumo diideen kuna hanjabeen in ay ka baxayaan.

" Waxaan wali ku taaganahay dhawrista balankii shirka, hadana wadahadal ayaa noo socda" ayuu yiri Shabac, mana sheegin waqtiga la kulmi doono maadaama maanta ay ahayd maalintii la balansanaa.

Seynab Cabdi Warsame

[email protected]

Laascaanood G. Sool