4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 10, 2017
Ciyaaraha Todobaadka Soomaalida Toronto ciyaarahii shalay Axadii dhacay.

Isniin July, 10, 2017 (HOL)-Magaalada Toronto dalka Canada waxaa maalintii sadaxaad galay shalay oo axad aheed ciyaaraha todobaadka Soomaalida, waxana maalin walba u soo daawasha taga taageerayaal fara badan .

Ciyaarahii  shalay oo axad aheeyd la ciyaaray ayaa dhexmaray tii kowaad kooxda Banaadir FC oo ka mida kooxaha ugu faca wayn ka dhisan Toronto oo iyadu ah kooxda haysata koobka loo tartamaayo iyo kooxda norh London oo iyaduna ka mida kooxaha ugu waawayn dalka Ingiriiska ka dhisan oo safar dheer u soo galay ka qaybgalka tartankaan ,

Ciyaartaan oo aad loo sugaayey daawashdeeda ayaa nadiijadii ciyaarta ku soo dhamaatay Banadir FC oo dhalisay 4 gool halka kooxdii North London ay keensatay 3 gool waxayna guushii raacday Banadir FC.

Ciyaartii labaad waxay dhexmartay kooxaha  Ottawa iyo Gala Canada oo ka wada tirsan Groub A waxay aheed ciyaar labada ay soo bandhigeen farsamo saraysa waxayna ku soo gabagabooday in guushii ay 3 iyo 0 ku badiso kooxda Ottawa .

Waxaa iyaguna ciyaar adag dhex martay kooxaha Seif Team iyo kooxda Hiltop waxaana guushii 2 iyo 1 ay ku raacday Seif team.

Ururka TODAY oo ah urur ka dhisan magaaladan Toronto ayaa marti-galiyey cayaarahaan oo socon doona ilaa muddo todobaad ah, waxaa ciyaarahaan isku barta iskuna dhex gala dhalinyarada Soomaaliyeed ee kula kala nool magaalooyinka kala gadisan ee kooxuhu ka kala yimadeen,

Siyad Said Salah

Hiiraan Online

[email protected]