4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 10, 2017
Xayiraadda Socdaalka Mareykanka iyo saameynta Soomaalida oo ka mid ah dadka la xayiray

 

Isniin, July, 10, 2017 (HOL) - Maxkamada sare eeMareykanka ayaa dhawaan ogolaatay in si ku-meel-gaar ah ay u dhaqan gasho qeybka mid ah xayiraaddii uu Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ku sooragay 6 wadan oo Muslimiin u badan, Soomaaliyana ay ka mid tahay.

Sharci-yaqaan Jaamac Ibraahim waa Qareen Soomaaliyeed oo ku takhsuusay Sharciga socdaalka iyo dib-u-celinta, muddo 15 sano ka badana ka shaqeynaayay wadanka Mareykanka.

Qareen Jaamac oo had ahormuudka ah Shirkadda sharciyada socdaalka iyo jinsiyadda ee Ibrahim & Rao LLP oo xafiisyo ku leh gobolka Georgia, ayaa Hiiraan Online oga waramay dadka ay xayiraaddaan saameyneyso iyo kuwa aysan quseynin.

Ardayda deeqaha waxbarasho ka helay Mareykanka, dadka u shaqeynaya shirkaddaha Mareykanka iyo Qaxootiga ehelkoodu ay Mareykanka joogaan, ayuu tilmaamay Qareenku in aysan ku jirin dadka ay saameyn doonto hakintaan.

 

Dadka qaar sidey horay oga cabsi qabeen, go’aankaan ku-meel-gaarka ah ee mamnuuca socdaalka ma saameyn doono safarkooda dadka Mareykanka ku leh deganaansha joogtada ah ama haysta Kaarka cagaaran (Green Card) iyo shaqsiyaadka ku guuleystay fiisaha ama dal ku galkooda America.

Ehelka, ayaa la sheegay in la isku haysto. waxaana lagu eedeeyay maamulka Trump in ay wax ka beddelleen sharcigaan cusub ee maxkamadu ay ogolaatay, islamarkaana ka reebeen Awoowaha iyo Ayeeyada.

Dhinaca kale dadka uu saameynayo go’aanka ku meel gaarka ah ee xayiraada socdaalka waxaa ka mid ah,qaxootiga rajeynaayay Mareykanka balse ehel uusan ka soo horeynin. Waxaa laga cabsi qabaa dadkaas sida la tilmaamay in mudo ilaa afar bilood ah ay dib u dhacaan si loogu sameeyo baaritaan kaasoo salka ku haya xogta dembiyada.

Sidoo kale shaqsiyaad kiirajada ka qabay mustaqbalka in ay dib-u-dajin ka heleen Mareykanka, ayaa la tibaaxay in sharcigan uu saameyn doono.

Safiyo Jaamac ka mid ah hooyooyin ka magaalada Atlanta, ayaa rajo wanaagsan ka qabta in la keeno dadka horay loogu ogolaaday in ay Mareykanka yimaadaan

Joojinta socdaalka oo xalado kala duwan soo martay, ayaa markii ugu horeysay lagu sheegay in aan Mareykanka la keeni karin 120 maalmood Qaxootika imaanaaya 7 wadan, sidoo kalana 90 cisho aan dal ku gal la siin karin, lana hakiyo dadka ka soo jeeda dalalkaas ee Fiisahawato.

Laakiin diidmo ka timid shacabka iyo sharci-yaqaano dacwado geeyay Maxkamadaha hoose ee federalka gobolada Washington, Hawaii iyo Virginia, ayaa wadada u xaartay in laga hor-tago mamnuucaas oo lagu sheegay in sharciga Mareykanka uu ka soo horjeedo.

Maxkamada sare ee Mareykan ka oo sharci ahaan gaari doona go’aanka ka madanbeysta ah, ayaa bisha tobonaad ee sannadkaan dhageysan doonta dacwadda arrinkaan.

Hakinta safarka Mareykanka waxey saameyneysaa dadka u kala dhashay wadamada Soomaaliya, Yemen, Suudaan,Libiya, Suuriya iyo Iraan, balse xanibaadaan oo markii hore la saaray toddobo wadan, ayaa markii danbe laga saaray wadanka Ciraaq oo la tibaaxay in uu ogolaaday baaritaano dheeraad ah in lagu sameeyo muwaadiniintiisa dooneya in ay Mareykanka galaan.

29-ka bishii aynu soo dhaafnay ee June ayuu dib u dhaqan galaysharcigan oomarkii hore balan-qaad ahaan ku soo bilaawday xilligii uu ololaha doorashada ku jiray Madaxweyne Donald Trump, balse uu soo rogay 27-kii Janaayo, hal toddobaad kadib markii uu xilka madaxtinimada Mareykan kala wareegay 20-kii Janaayo, 2017.

Najah Mohamed Ali, Hiiraan Online

E-mail: [email protected]

Atlanta, Georgia – Mareykanka