4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 10, 2017
Wasiir Obsiye : Goob joog ayaan u noqon doonnaa qadashada shaqaalaha hay'addaha madaxabanaan

 

Isniin, July, 10, 2017 (HOL) – Wasiirka shaqadda iyo arrimaha bulshadda Somaliland Maxamed Cabdilaahi Obsiiye ayaa  sheegay in hadda ka dib marka hay'adaha iyo shirkadaha gaarka loo leeyahay shaqaalaha qaadanayaan ay goobjoog ka noqon doonaan sida uu dhigayo xeerka shaqadda ee Somaliland.

Wasiirka shaqadda iyo arrimaha bulshadda ayaa warbaahinta ka akhriyey xeerarka waajibka uga dhigay wasaaradda ee ah inay ilaaliyaan in shaqadda cadaalad iyo sinaan lagu qaaday iyo in kale, waxay akhriyey dhawr qodob oo dastuurku waajib uga dhigay wasaaradda balse ay dayacday, waxaanu wasiirku u muuqda mid imika baraarugay.

Wasiir Obsiiye oo akhriyey xeerarka ka hadlaya shaqaalaha iyo loo shaqeeya iyo kaalinta ay ku leedahay wasaaradiisu, waxaanu hadalkiisa ku bilaabay “Xeer numbar 31 oo soo baxay 2004-kii, waana xeerka shaqaalaha, waana shaqaalaha rayid ah ee aan ahayn kuwo dawladda, waxaan ka soo saarayaa bayaan aan halkan ka soo saaro qodobka 30aad, 31aad, 32aad ee xeerkaasi waana saddexda qodob ee xeerka shaqaalaha rayidka ah, diwaangelinta shaqaalaha iyo heshiishka shaqo, waxa laga diiwaangalinaya xafiiska wasaarada shaqadda iyo arrimaha bulshadda, qodobka 3aad faqradiisa 1aad qof kasta oo shaqaale ah oo ka shaqeeya shirkadaha ama hay’adaha aan dawliga ahayn ee xeerka saamaynta ku leeyahay waa in la diiwaangaliyaa iyo heshiishkaba, lagana diwaangaliyo xafiiska waaxda ee wasaarada shaqadda, farqadiisa labaad waa in heshiishka shaqo waa in la diiwaangaliyo oo nuqul ka mid ah loo gudbiyo xafiiska waaxda shaqadda ee wasaaradda”.

Waxaanu intaas ku daray “Qodabka 31aad oo ka hadlaya qaabka shaqo qorista shaqaalaha, iyadoo la ilaalinayo u sinaanta fursadaha shaqo ee ka banaanaada hay’adaha madaxa banaan, faqrada kowaad waxay qeexaysa shaqo kasta oo ka banaanta hay’adaha kor ku soo sheegnay waa in laba toddobaad lagu soo xayeysiiyaa wargeysyadda wadaniga ah, faqradda 2aad xulushadda araajidda, Imtixaanka af ahaan iyo qoraal ahaanba waxa wada jir u samaynaya guddi ka kooban saddex xubnood, Labada xbnood oo loo shaqeeyaha ka socda, sarkaal ka socda wasaarada shaqadda iyo arrimaha bulshadda, faqradda afraad waxay qeexaysa in aanay banaan shaqaalaynta qof ajaniba ah, imika imtixaanka waxa samaysta hay’adaha ama shirkadaha, halkii goob joog ka ahaan lahaayeen wasaarada shaqadda looma yeedho, hadda ka dib dhici mayso, wasaarada shaqadda iyo arrimaha bulshadda xaq ay u leedahay imtixaan qaadista iyo sixidda ayey ka qaadan doonta haddda dib.”

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.