War-murtiyeed laga soo saaray shirkii gollaha amniga Qaranka oo Muqdisho lagu soo gabagabeeyay
Isniin, July, 10, 2017 (HOL) – Waxaa goor dhaw oo maanta lagu soo
gabagabeeyay magaalada Muqdisho shirka gollaha amniga Qaranka ee madaxda
dowladda federaalka iyo maamul gobolleedka dalka.
Shirka ayaa laga soo saaray war murtiyeed ka kooban dhowr qodob, oo aysan ka dhax muuqan qodobadii maalmahan lagu muransanaa oo loo saaray
guddiyo farsamo oo ka kala imaanaya dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada
Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya C/rashiid ayaa warbaahinta u akhriyay
qodobada ka soo baxay shirka oo ay ku jirtay in shirka gollaha Amniga Qaranka
la qabto saddexdii bilba mar.
War-murtiyeedka Golaha Amniga Qaranka :
1.Golaha Amniga Qaranka ayaa kulan kuyeeshay magaalada Muqdisho intii u
dhaxeysay 5ta ilaa 10ka bisha Luulyo, 2017.2.Kulanka waxaa shir-guddoominayay
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi
Maxamed Farmaajo, waxaana ka soo qeyb galay Ra’iisul Wassaraada Jamhuuriyadda
Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka
Mudane Mahdi Maxamed Guuleed, Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada Puntland
Mudane Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam,
Koonfur Galbeed Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan, Galmudug Mudane Axmed
Ducaale Geelle, Hirshabelle, Mudane Cali Cabdullaahi Cosoble, Guddoomiyaha
Gobolka Benaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane Thaabit Cabdi Maxamed,
Wasiirrada Caddaaladda, Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Arrimaha
Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, Gaashaandhigga, Amniga Gudaha,
Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka Sida iyo La Taliyaha Amniga Qaranka.
3.Golaha Amniga Qaranka waxa uu bogaadiyay shaqada wanaagsan ee ay dowladda
dhexe ka qabatay arrimaha amniga sida xasilinta caasimadda, siyaasadda iyo
xoojinta xiriirka ka dhaxeeya dowladda dhexe iyo dowlad-goboleedyada.
4.Kaddib markii uu Goluhu qiimeeyay xaaladaha amni ee ka jira dalka, waxay
isla garteen in la xoojiyo dagaalka lagula jiro kooxaha nabaddiidka ah, meelna
looga soo wadajeesto cid kasta oo ku taageerta dhaqaale, gabbaad ama faafineysa
afkaardooda gurracan.
5.Golahu, markii uu dib u eegay Heshiiskii Amni ee Bishii 16-17 Abriil,
2017, uuna dhageystay talooyinkii ay soo jeediyeen Guddi hoosaadyada Difaaca
iyo Amniga ee Golaha Shacabka, tixgeliyeyna aragtiyada kala duwan ee bulshada,
waxaa talooyinkaas lagu biiriyay Qorshaha Amniga Qaranka.
6.Golahu, waxaa kale oo uu ku heshiiyay sameynta guddi farsamo oo ka
shaqeeya dhameystirka Qaab dhismeedka Amniga Qaranka oo ay ku jiraan
qaab-dhismeedka Ciidamada Nabadsugidda, Booliska, iyo ciidanka Asluubta.
Guddidaas waxa uu ka kala imaandoonaa Dawladda Federaalka, Dawlad-goboleedyada
iyo Gobolka Benaadir.
7.Golaha oo garowsan baahida loo qabo in siyaasad mideysan laga yeesho
horumarinta nidaamka federaalka, dib-u-eegista dastuurka iyo doorashooyinka qof
iyo cod ee 2020ka, waxay ku heshiiyeen in taabo gelinta qodobadaas loo maro
hannaan ku salaysan wadatashi joogto ah oo 3dii biloodba mar ah.
8.Golahu waxa uu iskuraacay in sharciga lagu dhisayo Golaha Amniga Qaranka
la horgeeyo Golaha Shacabka si waafaqsan Qodobka 111, Faqrada (h) ee Dastuurka
KMG.
9.Golahu, waxa uu meelmariyay xeerka anshaxa ee kulamadooda iyo Fulinta
Qorshaha Amniga Qaranka.
10.Ugu dambeyntii, Kulanka Golaha Amniga Qaranka wuxuu dhici doonaa
saddexdii biloodba mar.