4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 10, 2017
Shirka gollaha wasiirada oo ka dhacaya markii ugu horeysay meel ka baxsan Muqdisho

 

Isniin, July, 10, 2017 (HOL) –Ra’iisal wasaaraha xukuumada Soomaaliya Xassan Cali Kheyre ayaa warbaahinta u sheegay in fadhiga ugu soo horeeya ku yeelan doonaan magaalada Kismaayo ee xarunta dowlad gobolleedka Jubbaland.

Ra’iisal wasaaraha ayaa arintan ku micneeyay xoojinta xiriirka ka dhaxeeya dowladda iyo maamul gobolleedyada dalka ka jira.

Sidoo kale gollaha wasiirada ayuu sheegay  in todobaadyada soo socda ku shiri doonaan qeybo kale oo dalka ka mid ah.

Shirka Kismaayo ee gollaha wasiirada xukuumada Soomaaliya ayaa dhici doona Khamiista nagu soo foolka leh ee todobaadkan.

Waa tallaabadii ugu horeysay ee oo ay qaado xukuumada Soomaaliya oo marar badan oo hore lagu dhaliilay in howlaheeda shaqo ku soo koobtay oo kaliya caasimada Muqdisho.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]