4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 10, 2017
Shirka hanaanka dib u eegista dastuurka oo maanta ka furmaya magaalada Baydhabo

 

Isniin, July, 10, 2017 (HOL) – Magaalada Baydhabo ayaa lagu wadaa in maanta u ka furmo mid ka mid ah shirarka looga arinsanayo hanaanka dib-u-eegista dastuurka dowladda federaalka, waxaana shirkaa la filayaa in uu daah furo wasiirka dastuurka C/raxmaan Xoosh Jabriil.

Shirkana ayaa ka mid ah shirar waayadii ugu danbeeyayba wasaaraddu ay la laheyd qeyba kala duwan ee bulshada ku dhaqan maamul gobolleedyada dalka.

Wasiirka Dastuurka C/raxmaan Xoosh Jibriil oo shalay gaaray magaalada Baydhabo ayaa sheegay in shacabka K/galbeeday ka tala gelin doonaan qorshaha guud ee hanaanka dib u eegista Dastuurka

“Waxaan Baydhabo u nimid in aan madaxda iyo shacabka Koonfur Galbeed aan ka talo gelino Qorshaha Guud ee hannaanka dib-u-eegista Dastuurka ee ay Wasaaradda diyaarineyso; innagu waxaa inaga go’an in aan si daah-furnaan ah ugu shaqeyno dadka Soomaaliyeed waxa aana kulamo wadatashi ah la yeelan doonnaa dhamaaan qaybaha kala duwan ee bulshada Baydhabo” ayuu yiri Wasiir Xoosh.

Wasiirka ayaa sheegay in safarkiisa uu ka mid ah yahay qorshaha Wasaaradiisa ku gaarsiineyso kulamada wadatashiga dhamaan gobolada dalka, si diyaarinta Qorshaha Guud ee hanaanka dib u eegsita Dastuurka uu u noqdo mid ka qaybgalkiisu loo dhan yahay.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa looga fadhiyaa inuu ka doodo dib u eegista dastuurka, marka la soo gaba gabeeyo wada tashiyada, iyadoo qorshuhu yahay in dastuurka loo qaado afti dadweyne.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]