4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 10, 2017
Shirka gollaha amniga Qaran oo wali ka sii socda magaalada Muqdisho

 

Isniin, July, 10, 2017 (HOL) – Ra’iisal wasaaraha xukuumada Soomaaliya Xassan Cali Kheyre ayaa la wareegay shir guddoonka shirka Golaha Amniga Qaranka oo wali ka socda magaalada Muqdisho, kaasoo aan illaa iyo hada ka soo bixin wax natiijo ah.

Madaxweynaha ayaa la sheegay in uu ka cudur daartay shir guddoominka shirka maalintii shalay dhacay, iyadoo xalay uu kulamo gaar gaar ah la qaatay madaxda ka qeyb galeysa shirka, si uu ugu qanciyo in shirka laga gaaro is faham.

Shirkan oo Arbacadii la soo dhaafay uu furay Madaxweyne Farmaajo ayaa ku qorsheysnaa inuu socdo labo maalmood, hase ahaatee uu maalmo dheeraad ah sii qaatay, kaddib markii qodobada qaar ee laga doodayo la isku mari waayay.

Shirka oo Axadii shalay dib la isugu soo laabtay, kaddib maalintii jimcaha oo fasax la galay iyo Sabtidii oo soo gashay furitaankii kalfadhiga labaad ee Baarlamaanka ayaa waxaa lagu wadaa in gelinka dambe ee maanta illaa berri la soo gaba gabeeyo.

Deeq bixiyeyaasha caalamka oo balan qaaday inay bixinayaan qarashaadka ku baxaya dhismaha ciidamada gaaraya illaa 18 kun ayaa ah qodobka ugu muhiimsan ee la isku haayo cida maamuleysa, iyadoo laga cabsi qabo in maamul goboleedyada ay awood ku yeeshaan maamul goboleedyada

Golaha Amniga Qaranka oo ay ku mideysan yihiin Madaxda dowladda iyo maamul goboleedyada, ayaa ku socda wadadii Madashii Hoggaanka Qaran ee horay ula wareegay talooyinkii dalka iyo awoodii Baarlamaanka, iyadoo golahan uu durbaba shaqo fadhiisin dadban ku sameeyay kaalintii wasaaraddaha gaashaandhigga, amniga iyo taliyeyaasha ciidamada.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]