4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 10, 2017
Kooxo hubeeysan oo Balad-Xaawo ku dilay Gudoomiye kuxigeenkii ururka haweenka Barwaaqo
Isniin, July, 10, 2017 (HOL) - Kooxo hubeysan oo aan heybtooda la aqoon ayaa xalay fiidkii magaalada Balad- Xaawo ku dilay AUN Xaliimo Xasan Diiriye oo ahayd gudoomiye ku xigeenka ururka haweenka Barwaaqo ee degmadaasi.

Dadka deegaanka ayaa warbaahinta u sheegay in dilku ka dhacay Tukaan ay Marxuumaddu ku lahayd Suuqa Farjanno ee degmadaasi, halkaa oo laba nin oo Baastoolado ku hubeeysan la sheegay in ay ku toogteen.

Kooxihii dilka geystay ayay u suurogashay in ay durba goobta ka baxsadaan.

Gudoomiyaha ururka haweenka Jubaland Marwo Batraan Muxumed Cabdulle oo la hadashay shabakadda HOL ayaa sheegtay in ay aad uga xunyihiin dilka loo geystay Gudoomiye ku xigeenka ururka haweenka Barwaaqo ee degmadaasi.

“Aad baan uga xunnahay, waa arrin naxdin leh, qof walba oo bulshada waxtar u leh sidaa ayaa loo ugaarsanayaa, waxaan tacsi u direeynaa dhammaan ehelkii, qaraabadii iyo umadda reer Jubaland ee ay ka baxday Xaliimo Xasan Diiriye,” ayay gudoomiyaha hadalkeedii raacisay.

Ma jirto ilaa hadda cid sheegatay masuuliyadda dilka, mana jiraan dad loo qabtay tuhun la xiriira dilkaasi.

Maamulka degmada Baladxaawo oo ay shabakadda HOL la xiriirtay ayaa sheegay in ay wadaan baaritaanno ku aadan dilka.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.