4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 10, 2017
Puntland oo sheegtay in ay dishay 18 ka tirsan xoogagga Al-shabaab

 

Isniin, July, 10, 2017 (HOL) – Saraakiisha dowlad gobolleedka Puntland ayaa sheegay in howlgal socday mudo afar cisho ah ku dileen 18 ka tirsan dagaalamayasha Al-shabaab oo fariisimo ku lahaa Buuraha Galgala ee gobolka Bari.

‘’Waxaan dilnay 18 ka tirsan maleeshiyaadka ah Al-shabaab, kadib howlgal afar cisho qaatay oo aan ka sameynay buuraha Galgala ayuu yiri’’ Col Maxamed Ismaaciil oo ka mid ah saraakiisha Puntland.

Dowladda Mareykanka ayaa dhinac tababarada ka caawisa ciidamada Puntland, lamana oga in in howlgalkaas ay ku lug lahaayeen ciidamo Mareykan ah.

Col Maxamed Ismaaciil ayaa sheegay in howlgalka sidoo kale ay ku qabsadeen hub iyaga oo dhinaca kalana bur buriyay keydkii raashinka iyo dawada ee ururka Al-shabaab.

Madaxa howlgalada u qaabilsan Al-shabaab Sheekh Cabdicasiis Abuu-muscad ayaa sheegay in ay iska caabiyeen weerar uga yimid ciidamada Puntland, waxaana uu beeniyay sheegashada Puntland ee ah in dagaalyahanno laga dilay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]