4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 10, 2017
Jen Jaamac Maxamed Qaalib oo iska diiday xilkii uu u magacaabay madaxweyne Farmaajo

 

Isniin, July, 10, 2017 (HOL) - Jeneraal Jaamac Maxamed Qaalib ayaa iska diiday xil uu dhawaan u magacabay madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, kaddib munaasabad ka dhacday magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa u magacaabay Jaamac Maxamed Qaalib guddoomiyaha guddiga Taakuleynta Qaran ee ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed.

“Xilkaasi waan ka cudurdaartay mid aan qaban karo maaha, iyadoo sabab kale la sheegin, anigu himiladeydu waxaa weeyaan wixii aan taariikh Soomaaliyeed ka garanayo in aan dhallinyarada Jaamacadaha dhigta u gudbiyo, taana waan ku howlanahay, wax kalena kuma dari karo, marka waan ka cudur daartay, madaxdana waan u gudbiyey, aniga la igalama tashan mana aqbalin sababo kale weeye taasi, mar horey la ii weydiiyeyna waan ka cudurdaartay oo ma qabanayo ayaan ku iri, waxaan filayaa in si qalad ah ay ku dhacday, haddii iyaguba wax i weydiin in aan wax sheego kuma qasbaneen”

Jen Jaamac Maxamed Qaalib ayaa ka mid ahaa martii ka qeybgashay munaasabada looga dhawaaqay gudigan, hasse ahaatee waxaa uu ka cudurdaartay xilka uu madaxweynaha u magacaabay.

Dowladda Federaalka ayaa dadaal ugu jirta dhismaha ciidamo qaran oo hela xuquuqdooda, iyadoo dowladda ay caqabado ka heystaan arrimo kala duwan oo ay ugu weyn tahay mushaarka ciidamada oo ku tiirsan gacan shisheeye.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]