4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 10, 2017
Doollar-ka oo noqday lacagta kaliye ee wax lagu kala iibsado qeybo ka mid ah gobollada Soomaaliya


Isniin, July, 10, 2017 (HOL) - Tani waa dhibaato weyn oo soo food saartay dadka danyarta ah kaddib markii qeybo ka mid ah gobollada dhexe Doollar-ku noqday lacagta kaliya ee wax lagu kala iibsado.

Arintan ayaa sidoo kale saameyn weyn ku yeelatay dadka masaakiinta ah ee suuqyada ka dawarsada oo markii hore dadku ay siin jireen lacagta shilin Soomaaliga ah oo gabi - ahaanba leyska diiday in laga isticmaalo qeybo ka mid ah dalka.

Tusaale ahaan magaalada Beledweyne haddii aad u baahato in aan Cabto ‘’Koob Shaah ah’’ waxaad ku qasban tahay in aad bixiso $ 0.1 oo u dhiganta 3000 oo shilin Soomaali ah adiga oo adeegsanaya Aalada EVC Plus-ka ee lacagaha leysugu diro.

Sababta ugu weyn oo ganacsatadu sidan u sameynayaan ayeey ku sheegeen in aysan kalsooni ku qabin lacagta shilin-ka Soomaaliga oo inteeda badan ay ku sheegeen been abuur ‘’Falso’’ taa badalkeedana ay ka doorbideen in ay wax ku iibsadaan Doolar.

Dadka rayidka ah ayaa ku eedeynaya dowladda federaalka in ay ku guul-dareysatay wax ka qabashada jahwareerka ganacsi ee ka jira gobollada dhexe taasoo sicir barar ku keentay maciishada.

‘’Soomaaliya ma’aha gobol ka mid Mareykanka waa in arintan sida ugu dhaqsiyaha badan wax looga qabtaa, haddii kale waxaa ay keeni doontaa in dad badan oo Soomaaliyeed gaajo u dhintaan’’ ayuu yiri Aqoonyahan Cismaan Cilmi oo la hadlay Hiiraan Online

Kacdoon dadweyne ee ka dhashay qiimo jabka ku yimid lacagta shilin Soomaaliga ah ayaa meelaha qaar keenay in ay dadku ku qamaamaan goobaha ganacsiga kaddib dibadaxyo waaweyn oo dhacay waxaana ka dhashay khasaare isugu jira naf iyo maal.

Wasiirka wasaaradda maaliyada xukuumada Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay in qalalaasahan ka dhashay isticmaalka shilinga Soomaaliga looga gudbi karo oo kaliya lacag cusub oo ay dowladda la timaado, madaama ay hadda suuqa ku jiraan lacago been abuur ah oo sifo aan sharci aheyn loo soo daabacay.

Magaalooyinka Beledweyne, Gur-ceel, Dhuusa-mareeb, Caabud-waaq ilaa laga gaaro magaalada Gaalkacyo ayeey dadku siweyn u dareemeen saameynta ay arintan leedahay, waxaana hubaal ah haddii ay arimuhu sidan ku sii socdaan in dhibaato nolaleed oo weyn ay soo food saari doonto qeyb dhan oo bulshada ka mid ah kuwaa oo aan awoodin in ay Doollar wax ku iibsadaan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]