4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 10, 2017
Dibadbaxyo gilgilay caasimada dalka Turkiga ee Istanbul

 


Isniin, July, 10, 2017 (HOL) - Dalka Turkiga in ka badan boqol kun oo dibadbaxayal ah ayaa isugu soo baxay magaalada Istanbul kadib markii ay maqleen codsiga hogaamiyaha mucaaradka ee dalkaasi Kemal Kilicdaroglu oo ku baaqay in dib loo soo celiyo cadaalada.

Sawirada telefishenka laga siidaayay ayaa muujinaya tiro badan oo dad ah oo kor u lulaya calanka Turkiga, waana isusoo bixii ugu weynaa abid ee looga soo horjeedo madaxweyne Erdogan tan iyo wixii ka dambeeyey inqilaabka la isku dayey ee dalkaasi ka dhacay sanadkii hore.

Mudaharaadkan ayaa looga soo horjeedaa madaxweyne Rajab Tayib Erdogan, waxaana lagu tilmaamay "Socodka Cadaallada".

Waxaa uu Mr Kilicdaroglu dhaleeceeyay shaqa ka eryid iyo xarig baahsan ee daba socday inqilaabkii fashilmay, waxaa uuna isu-soobaxaasi kaga dhawaaqay in Turkiga uu waa cusub u baryay.

 

In ka badan Konton kun oo qof ayaa la xiray, halka boqol iyo afartan kun oo shaqaale ahna shaqada laga eryay ama laga joojiyay tan iyo markii ay qeybo ka mid ah ciidamada dalkaasi isku dayeen afgembiga.

Dibadbaxan ayaa lagu soo khatimay shan iyo labaatan maalmod, waxayna dibadbaxayashu socod ka soo billaabeen caasimadda Ankara oo 450 kilomitir u jirta magaalada Istanbul.

Madaxweyne Erdogan ayaa ku tilmaamay dibadbaxa mid lagu taageerayo argagixisada.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]