Urur suxufiyiin oo looga dhawaaqay gobolka Sool ''Sawiro''
Isniin, Janaayo, 09, .2017 (HOL) - Wasiirka
Arimaha Gudaha Somaliland ayaa sheegay in warbaahintu tahay mida looga baahan
yahay in ay ka shaqeeyaan horumarinta Bulshada, iyo in ay ka fogaadaan wixii
fadqalalo dhalinkara mar uu ka hadlayay xaflad lagu furayey ururka Saxaafada
Gobolka Sool ee Sool Media Assocition.
"Maanta hadaad urur samaysateen
aad ayaan u soo dhoweynaynaa, wixii aad nooga baahataana waan idinla
qabanaynaa, waxaana idinka rabnaa inaad fikirka bulshada bedeshaan oo aad kala
dagaalataan wixii xumaan ah wanaagana aad ku hagtaan" ayuu yidhi Yaasiin
Maxamuud Xiir Wasiirka Arimaha Gudaha.
Munaasibadan oo ahayd mid si aad ah
loo soo agaasimey oo ay ka soo qaybgaleen Madaxda Gobolka, Degmada, Culimada,
Cuqaal Bahda Saxaafadda iyo Bahda suugaanleyda ayaa waxa dhidbada Loogu taagey
urur ay yeelanayaan Saxaafadda Gobolka Sool.
Gudoomiyaha Ururka Suxufiyiinta
Faysal Jaamac Aadan oo halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu ka warbixiyey heerarkii
kala duwanaa ee ay soo martay isagoo ka soo bilaabay 26 Jan. 1991 oo
joornaalkii ugu horeeyey ee madax banaan laga soo saaray magaaladda Laascaanood
kaas oo la odhan Jirey Nugaal.
"Waqtigan casriga ah oo ay soo
badanayaan dadka xiisaynaya mihnada Saxaafadda waxaan ururkan uu qaban
doonaanaa hawlo badan oo ay ka mid tahay Machad lagu barto Saxaafadda, iyo
sidii kor lloogu qaadi lahaa aqoonta kuwa shaqeeya" ayuu yidhi Faysal
Jaamac .
Xoghayaha Ururka SOMA C/raxmaan Cali
Ducaale ayaa isaguna dhankiisa waxa uu sheegay in sababaha ururkan keenay ay ka
mid tahay dhibaatooyin xoogleh oo saxafiga ku yimaada oo ay ka mid tahay
xadhig, hanjabaad iyo dhibaatooyin kaleba.
Cismaan C/nuur Xaashi oo saxafi
Ruugcadaa ah ayaa saxaafadda haatan ku eedeeyey in ay galaan fallal liita,
waxaanu ku dhaliilay qiimahooda oo ay aad hoos u dhigeen waxaanu kula
dardaarmay inay sidan wax ka bedelaan.
Qaar badan oo ka mid ah waxgaradka degaanka
oo ay ka mid ahaayeen Sheekh Siciid Axmed Cadar, Caaqil Axmed Maxmed Maxamuud,
Guddomiyayaasha Jaamacadaha Nugaal iyo Golis ayaa waxa ay dhamaantood ka
hadleen sida ay ugu qanacsan yihiin ururkan isla markaana ay gacan ka
geysanayaan sidii uu u taaba geli lahaa.
Gudoomiyaha Gobolka Sool Cabdi
Khayre Dirir oo soo gabagabeeyey ayaa waxa uu sheegay in ay si buuxda ula
shaqayn doonaan ururka waxaanu kula dardaarmay in aanay runta ka leexan wixii
dhaliil ahna ay sheegaan.
Ururkan ayaa ah kii ugu horeeyey ee
degaankan laga sameeyo, kaas oo wax weyn ka taraya dhibaatooyin xoogleh oo mudo
soo noqnoqon jirey kaas oo u dhexeeya inta badan maamulka iyo Suxufiyiinta, iyo
iyagoon helin baahiya aqooneed iyo horumarineed ee laga helo ururadda Caalamiga
ah.