4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 9 , 2017
Roob lagu qabowsaday oo ka hooray degmada Xudur iyo nawaaxigeeda

 

Isniin, Janaayo 09, 2017 [HOL]-Roob lagu qabowsaday ayaa ka hooray degmada Xudur iyo nawaaxigeeda halkaa oo dhawaan abaar ba'an ay ku dhufatay.

Maadaama qeybo badan oo dalka Soomaaliya ah ay wali abaari ka jirto roobabna aysan ka da'in, waxaa degmada Xudur haatan usoo hayaamay reer miyi badan. Dadkaa ayaa ka yimid gobolada Baay, Hiiraan, Gedo iyo qeybo kale oo Soomaaliya ka tirsan.

Waxaa intaa dheer in ay jiraan reer guuraa ka yimid Shabeelaha Hoose iyo kuwo ka yimid gobolka Soomaalida ee Itoobiya oo iyana soo gaaray degmadaasi Xudur.

In badan oo dadkaa ka tirsan ayaa haatan waxaa ay kunool yihiin gudaha magaalada Xudur oo ah xarunta gobolka Bakool.

Naq aan badnayn ayaa la sheegay inuu kasoo baxay agagaarka magaalada Xudur walow doogga oo yar dartii reer baadiyuhu ay ku murmeen dhawaan iskuna dhaawaceen. Dhowr qof ayay iska dhaawaceen.

Si kastaba ha ahaatee, maamulka magaalada Xudur ayaa sheegay in dadkii ku dagaalamay naqa dhawaan ka baxay deegaankaa la heshiisiiyay haatana ay raali ku yihiin inay wadaagaan.

Maamulka Xudur ayaa codsi u diray guddiga la dagaalanka abaaraha ee dawlada federaalka ah in uu wax u qabto dadkaa Xudur usoo hayaamay baadkuna uusan xoolahooda oo dhan uusan ku filnayn.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]