Cabdikariin Xusseen Guulleed oo ka hadlay mooshin xil ka qaadis ah oo laga keenay
Isniin, Janaayo, 09, 2017 (HOL) –
Madaxweynaha dowlad gobolleedka Galmudug Cabdikariin Xusseen Guulleed ayaa ka hadlay mooshin maalintii shalay ay ka soo gudbiyeen tiro xildhibaanno ah oo ka tirsan maamulka uu madaxweynaha ka yahay.
Madaxweynaha Galmudug wuxuu ugu baaqay
xildhibaanada baarlamaanka inay ka laabtaan mooshinka cusub, wxaana uu sheegay in
xiligan aysan haboobeyn in mooshin laga soo gudbiyo.
Sidoo kale wuxuu sheegay in marxalado adag ay ka jiraan deegaanada maamulka
Galmudug, kuwaasi oo u baahan in wax laga qabto.
Gaar ahaan xildhibaannada dowlad gobolleedka Galmudug ayuu u jeediyay in ay ka qeyb-qaataan gurmadka loo fidinayo dadka ku dhibaateysan deegaanada maamulka Galmudug.
Ugu danbeyntii, xildhibaanka Galmudug
oo ka careysan qoraal kasoo baxay madaxweyne Guuleed, ayaa ku dhawaaqay shalay
inay mooshin ka gudbiyeen madaxweynaha Galmudug.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]