Musharaxiinta xilka madaxweynaha oo war-murtiyeed ka soo saaray kulan ay galabta ku yeesheen Muqdisho
Talaado, Janaayo,
31, 2017 (HOL) –Musharaxiinta ka qayb-galaya doorashada Somalia oo shir ay u
dhan-yihiin maanta galinkii danbe ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa ka hor-yimid
go'aan ka soo baxay guddiga qaban-qaabada doorashada Somalia.
Kulankan ayey ka
sheegeen in aan gabi-ahaan-ba aan la aqbali karin in meesha laga saaro dood-dii
loo qorsheeyay musharaxiinta in ay yeeshaan ka hor doorashada weyn ,taasi oo la
filayay in maanta ay ka dhacdo magaalada Muqdsiho.
Guddoomiyaha
Guddiga doorashada Somalia Dr C/raxmaan Ducaale Beyle oo maanta la hadlay
warbaahinta ayaa sheegay in la joojiyay qabashada dood-dii dhex-mari
lahayd musharaxiinta ,taasi oo sida la qorsheeyay ka bixi lahayd dhamaan
Tv-yada ku hadla Afka Somaliga.
Musharaxiinta ayaa
sheegay in guddiga doorashada uusan xaq u lahayn in uu meesha ka saaro wax
horey loogu heshiiyay ,isla markaana ay tani tahay mid go'aankeeda ay u taalo
barlamaanka Soomaliya.
Kulanka oo ahaa
mid ay ku midaysnaayeen musharaxiinta ayaa u soo jeediyay guddiga doorashada in
uu ka laabto go'aankan , isla markaana la qabto dood-da musharaxiinta ,iyada oo
waliba la casuumayo dhamaan Tv-yada Somalida.
Musharaxiinta iyo
guddiga doorashada ayaa horey ugu heshiiyay in dood-dan si live ah looga
baahiyo TV-ga qaranka Somalia ,isla markaana ay Tv-yada kale ka sii qaataan
,waxaana sababaha ugu weyn ee baajiyay dood-dii maanta lagu sheegay in ay ahayd
khad-ka Internetka oo hawada ka maqnaa.
Hadaba musharaxiinta ayaa si wada jir u soo saaray war-murtiyeed ka kooban sedex qodob ka dib markii uu soo dhamaaday kulankooda oo ka dhacay Hotel Jazeera.1- Waxaa la isla gartay in qaabkii loo maamulay dooda murashaxiinta ay ahayd mid khilaafsan go'aankii Baarlmaaanka. Qabashada dooda waa go'aan ay gaareen labada gole ee Baarlamaanka ,iyagana ayaan bedeli kara. 2- In xubin gudiga doorashada ka tirsan oo cadaystay taageerada Musharrax Md Xasan Sheikh gudiga laga saaro.3- In go'aan kasta ee doorashada khuseeya dhinaca amniga, warbaahinta, habraaca iyo maamuskaba oo aan musharraxiinta lagala tashan uu dhaawacayo sharciyada doorashada, go'aan cad-na ay ka qaadan doonaan.Ugu danbayn,khilaafkan soo kala dhex-galay guddiga doorashada iyo musharaxiinta ayaa la sheegay in uu sababi karo dib u dhac hor leh oo ku yimaaada doorashada madaxweynaha oo loo asteeyay in la qabto 8-da bisha Febraayo. Faysal M. Hassan [email protected]