4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 31, 2017
Wariye dhaawac loogu geystay magaalada Laascaanood ee gobolka Sool

                                                 

Talaado, Janaayo, 31, 2017 (HOL) - Weriye Barkhad Cumar oo Laascaanood uga warama TVga Somaliland ayaa dhaawac madaxa ah waxaa soo gaadhsiiyey Askari ka mid ah Ilaalada Maayirka Magaalada xili uu doonayey in uu u galo kulan ay lahaayeen Golaha Degaanka.

Askariga Falkan geystey ayaa la xiray sida HOL u xaqiijiyey gudoomiyaha gobolka Sool Cabdi Khayre oo sheegay mar aan la xiriirnay in xuquuqda suxufigu tahay mid aan cidna looga haybadaysanayn.

Masuuliyiinta iyo Qaar ka mid ah golaha degaanka ayaa sheegay in qalad ka dhacay hoolka Shirarka ee dawladda hoose diyaarna ay u yihiin in la xaliyo.

"Aniga ayaa qaadaneyna mas’uuliyada dhaawaca soo gaaray wariyaha xaal buuxana waan ka bixinaynaa" sidaa waxaa yidhi C/casiis Xuseen Xasan Gudoomiyaha degmada Laascaanood.

Ururka Suxufiyiinta Gobolka Sool ayaa sheegay in ay wali wadaan baaritaan sidii waxani u dheceen ayna ka hadli doonaan marka uu soo gabagaboobo.

Qaar ka mid ah goobjoogayaal halkaas ,ku sugnaa ayaa waxay ay sheegeen in ismaandhaaf dagaalka dhaliyay uu ka dhax dhacay kadib markii wariyaha oo qalabkiisa sita oo isku deyey in uu hoolka shirarka galo iyo askarta halkaas ilaalinaysey oo u diidey, balse uu isku deyey in uu dhaafo isagoo qaylinaya, waxaana ii muuqday buu yiri goobjoogahani isqabsi iyo buuq iyo wariyaha oo dhiig madixiisa ka daadanayo.

Ugu danbeynti, Barkhad ayaa caafimaadkiisu fiican yahay iyadoo laga war sugi doono beri waxaa talaabo ah ee ka dhasha iyadoo uu yahay weriyihii u horeeyey ee askarigii wax gaarsiiyey loo xiro

Seynab Cabdi Warsame

[email protected]

Laascaanood Gobolka Sool