4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 31, 2017
Internet ka oo sabab u noqday in qodob ka mid ah jadwalka doorashada madaxweynaha la baabi’iyo

 Talaado, Janaayo, 31, 2017 (HOL) - Waxaa laga soo bilaabo 10:00 fiidnimo ee xalay ilaa laga soo gaaro saacadihii hore ee maanta hawada ka maqnaa adeegii Internet-ka Koofurta Soomaaliya, kaasoo saameyn xoog leh ku yeelatay adeegyadiiWarbaahinta, Shirkadaha Xawaadlaha iyo guud ahaanba howlihii kala duwanaa ee  xafiisyada dowlada oo intoodaba Internet-ku qeyb ka yahay howlahooda shaqo.

Laakiin marka intaa oo dhan laga soo tago waxaa xusid mudan in maqnaashaha Internet-ka ee saacadihii hore maanta uu saameyn weyn ku yeeshay jadwalkii doorashada madaxweynaha Soomaliya, kadib markii lagu fashilmay qabashada dooddii qorshuhu ahaa in ay isku arkaan musharixiinta madaxweynaha su’aalo toos ahna soo weydiiyaan dadka Soomaaliyeed ee ku kala nool dalka gudihiisa iyo dibadiisa.

Qaar ka mid ah musharixiinta ayaa subaxnimadii hore ee saakay isaga tagay goobtii ay ka dhaci laheyd doodda kadib markii ay ka war helleen in aan toos looga sii deyn doonin TV-da ku baxa afka Soomaaliga, sababo la xiriira awooda Internetka oo la sheegay in uu ahaa mid aad u liita.

Guddiga qaban-qaabada doorashada ayaa intaa kadib go’aan ku qaatay in gabi ahaanba la joojiyay dooddan oo sida ay hadalka u dhigeen markii horeba iska aheyd mid tijaabo ah oo ku cusub hanaanka doorasho ee Soomaaliya.

Musharixiinta qaar ayaa sheegay in arintan ay u arkaan mid ula kac ah oo loogu tallagalay in aysan dadku si toos ah ula socon doodda, iyaga oo ku eedeeyay in ay ka danbeeyeen xubno ka tirsan dowladda.

Laakiin guddoomiyaha guddiga qabanqaabada doorashada madaxweynaha Dr C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay in baaritaan ay sameeyeen ku ogaadeen in maqnaashaha Internetka wax xiriir ah la laheyn doodda musharixiinta, hasse ahaatee aheyd oo kaliya arimo farsamo iyo cilad saameysay xitaa qaar ka mid ah wadamada dariska.

Ugu danbeyntii, waxaa muuqata in Internet–ku saameyn weyn oo muuqata ku yeeshay hannaan socodkii jadwalka doorashada madaxweynaha Soomaaliya oo leysku khilaafay qodob muhiim ah oo dadku siweyn isha ugu wadda hayeen.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]