4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 31, 2017
Seminaar lagu xoojinayo manhajka kuliyadaha Jaamacada Banaadir oo la qabtay


Isniin, Janaayo, 31, 2017 (HOL) - Waxaa magaalada Muqdisho lagu soo gebagebeeyey seminaar ku saabsanaa tayeynta iyo sare u qaadida Manjahyada wax looga barto qaar ka mid ah kuliyadaha Jaamacada Banaadir oo ka mid ah Jaamacadaha ugu waaweyn Somalia.

Munaasabada gebagebada seminaarkan ayaa waxaa ka qeyb galay xildhibaano ka tirsan aqalka sare ee Baarlamanka Somalia, masuuliyiinta Jaamacadda & Mu’asasada Banaadir, Macalimiin iyo howlwadeeno ka socday Jaamacada Makerere ee dalka Ugandha iyo xubno kale.

Seminaarkan oo socday muddo shan cisho ah ayaa waxaa loo qabtay macalimiinta iyo hormoodyada shan ka mid ah kuliyaddaha Jaamacada Banaadir, iyadoo fududeyntiisana ay ka qeyb qaateen Macalimiin ka socotay Jaamacada Makerere.

Guddoomiyaha Jaamacadda Banaadir Dr. C/risaaq Axmed Dalmar oo ka hadlay gebagebadii seminaarkan ayaa sheegay loo qabtay illaa shan kuliyadood oo kala ah Caafimaadka, beeraha, Ingineerinka, xanaanada xoolaha iyo kuliyadda culuunta Caafimaadka, isagoo xusay in lagu guuleystay ujeedada laga lahaa oo aheyd tayeynta iyo sare u qaadida manhajyada wax lagu baro ardayda dhigata Kuliyadahan.

“Mudadii uu socday seminaarkan waxaa lagu tifaftiray manaahijta waxbarashada ee shantaas kuliyaddood, kuwaasoo laga dhigay manaahij la mid ah, lana tartami kara kuwa caalamiga ah, waxaana la dhaqan gelin doonaa 11-ka bisha soo socota marka ardaydu ay fasaxa ka soo laabtaan, kuliyadaha kale ee Jaamacadda iyana seminaar kanoo kale ah ayaan u qaban doonaa xili fasaxeedka soo socda” ayuu yiri Guddoomiye Dalmar oo u mahad celiyey ka soo qeyb galayaasha tababarkaas ee ka socday shanta kuliyadood, Mu’asasada Banaadir oo maalgelisay Mashruucan iyo macalimiinta ka socotay Jaamacadda Makerere.

Prof. Cismaan Maxamuud Dufle oo ah Senator ka tirsan aqalka sare ee Baarlamanka Somalia oo isna munaasabadaas ka hadlay ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay qabashada seminaarkan oo uu xusay inuu wax looga bedelay Manhajka qaar ka mid ah kuliyadaha Jaamacada Banaadir.

“Manhajyada wax lagu baro ardayda waa muhiim in markasta dib ugu habeyn lagu sameeyo si loogu soo daro waxyaabaha cusub ee aqoonta ku soo kordhay, ulana jaanqaado manhajyada kale ee Jaamacadaha caalamka” ayuu yiri Prof. Dufle oo u mahad celiyey dhamaan intii ka qeyb qaadatay taabagelinta howshan culus, isagoo si gaar ah u xusay macalimiinta Jaamacada Makerere iyo Muasasada Banaadir.

Hormuudka kuliyadda Caafimaadka ee Jaamacadda Banaadir Dr. Maxamed Maxamuud Biday oo isna ku hadlayey magaca kuliyadihiii ka qeyb galay seminaarkan ayaa sheegay in daraasada lagu sameeyey manaajihta la falan-qeeyey ay aheyd mid aad u qiimo badan, faaiido badana laga helay.

“Dib u eegista lagu sameynayo manhajka waxay faaiido u tahay ardayda Jaamacadda, maxaa yeelay waxaa laga shaqeynayaa tayeynta iyo horumarinta aqoontii ay baran lahaayeen, waxaana isleeyahay waa markii ugu horeysay ee Jaamacad Soomaaliyeed ay ku dhaqaaqdo dib u habeynta manaahijteeda waxbarasho” ayuu yiri Dr Biday.

Waxaa sidoo kale ka hadlay xiritaanka seminaarkan qaar ka mid ah macalimiintii ka socotay Jaamacadda Makerere oo kala ahaa Prof. Gaddi Ngirane Katashaya, Prof. John Stephen Tenywa, Drs. Proscovia Mukonzo Namuwenge Drs. Pamela Bakkabulindi, Mr. Patrick Musinguzi iyo Mr. Salim Kinyiri, waxayna sheegeen iney ku faraxsan yihiin ka qeyb galka seminaarkan, iyagoo ka waramay faa'iidooyinka tayeynta manaahijta, waxayna Jaamacadda Banaadir ku amaaneen horumarka ay ku talaabsatay iyo dedaalka ay ku bixineyso sidii ay u soo saari laheyd aqoonyahano tayo fiican leh, iyagoo balan-qaaday iney sii wadi doonaan sidii ay Jaamacada ugala shaqeyn lahaayeen horumarinta aqoonta.

Ugu danbeyntii, seminaarkan ayaa shahaado sharafeedyo lagu guddoonsiiyey ka qeyb galayaashii seminaarkan ee ka socday shanta kuliyadood ee Jaamacadda Banaadir iyo macalimiintii ka socotay Jaamacadda Makerere.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]