4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 31, 2017
Al-shabaab oo baahisay sawirrada weerarkii Kulbiyoow

Talaado, Janaayo, 31, 2017 (HOL) --Dagaalyahannada Al-shabaab ayaa soo bandhigay sawirrada weerarkii ay kula wareegeen saldhiggii ciidamada Kenya ay ku lahaayeen deegaanka Kulbiyooow ee gobolka J/hoose.

Sawirradan oo lagu baahiyay shabakado ku hadla afka Al-shabaab ayaa lagu arkayay gaadiidka dagaalka ciidamada Kenya oo ay uga carareen saldhiggaasi.

Waxaa sidoo kale sawirrada lagu arkayay meydadka askar ka tirsan ciidamada Kenya.

Al-shabaab ayaa 27-kii bishan weerar qorsheeysan ku qaaday saldhigga ay ciidamada Kenya ku lahaayeen deegaanka Kulbiyoow oo ka tirsan gobolka J/hoose, ayadoo dagaal culus kadib ay u suurogashay in ay saldhiggaasi la wareegaan.

Ugu danbeyntii, Al-shabaab ayaa shaacisay in weerarkaasi ay ku dishay in ka badan 65 askari oo ka tirsan ciidamada Kenya, walow dowladda Kenya war kasoo baxay lagu beeniyay arintaasi, ayadoo Kenya shaacisay in weerarkaasi ay uga dhinteen oo qura sagaal askari.

Hiiraan Online News Desk,