Gudiga doorashada madaxweynaha oo go'aan ka qaadanaya dib u dhac ku yimid dooddii musharixiinta
Talaado, Janaayo, 31, 2017 (HOL) – Marka dib loo eego
jadwalka doorashada madaxweynaha Soomaaliya maanta oo ay taarkhdii ku beegan
tahay 31 bishan Janaayo maalin Talaado ah waxaa uu qorshuhu ahaa in dood furan
yeeshaan musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya, hasse ahaatee
taa ma dhacin kaddib markii leysku khilaafka habka ay u dhaceyso doodda oo
musharixiinta qaar isaga baxeen.
Ilo xog-ogaal ah oo ku dhaw dhaw gudiga qabanqaabada
doorashada ayaa HOL u sheegay in 24ka musharax ee u taagan xilka madaxweynaha
Soomaaliya loo kala qeybiyay mid 12
musharax oo qeybta hore qorshuhu ahaa in dooddoodu bilaabato subaxnimadii hore
ee saakay, halka qeybta labaad la filayay in gallinka danbe ee maanta ka
qeyb-gallaan.
Hasse ahaatee musharixiintii ku qornaa jadwalka hore ee doodda ayaa isaga baxay xarunta kadib markii ay ogaadeen
in aysan toos aheyn oo aan laga daawaneynin TV yada Afka Soomaaliga ku baxa.
Sidoo kale lama oga in sida ay ku qabsoomi karto qeybta
labaad ee doodda oo loo balansanaa gallinka danbe ee maanta madaama aysan soo
xaadirin musharixiinta ka qeyb-gali laheyd.
Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in gudiga qabanqaabada
doorashada xiligan leeyihiin kulan deg deg ah oo la xirira dib u dhaca iyo
khilaafka ka dhashay doodda musharixiinta oo aheyd qeyb ka mid ah jadwalka
doorashada, waxaana la filayaa in saacadaha soo socda ay go’aan ka soo saaraan.
Musharixinta qaar ayaa ku eedeeyay xubno ka tirsan dowladda
in ay ka shaqeeyeen in doodda noqoto mid qarsoodi ah
Ugu danbeyntii, musharixiinta qaar ayaa arintan ku tilmaamay mid siyaasadeed kadib
markii saacadihii hore ee maanta gobollada Koonfurta Soomaaliya laga waayay
khadka Internetka oo saacado ka hor dib u soo laabtaan.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]