Qaar ka mid ah musharixiinta xilka madaxweynaha oo qaadacay dooddii maanta loo ballansanaa
Talaado, Janaayo, 31,
2017 (HOL) -- Musharaxiinta
ka qayb-galaya doorashada Somalia ayaa gabi –ahaanba diiday in ay ka
qayb-qaataan dood dhex-maraysay musharaxiinta oo maanta lagu qabtay magaalada
Muqdisho ka dib markii ay ka war-heleen in dood-dooda kaliya laga sii dayn
doono TV-ga Qaranka Somalia.
Inta badan musharaxiinta ayaa door-bidayay in ay soo
hor-istaagaan dad-weynaha ,isla markaana ay la wadaagaan khibrad-dooda bulshada
Somaliyeed ,waxaana arintan baajiyay sida la sheegay Internet-ka oo ka maqnaa
qaybo kamid ah Koonfurta Somalia.
Gud-diga doorashada iyo Musharaxiinta ayaa horey
isula meel dhigay in dood-da si toos ah looga qaadan karo Tv-ga Qaranka ,iyada
oo ay sii baahinayaan Tv-yada kale, taasi oo la sheegay in ay suurtagal ka dhigayso in dood-da aan wax ka badal lagu samayn karin.
Qaar kamid ah musharaxiinta ayaa sheegay in
dowlad-da oo og in uu Internetka maqan-yahay la bilaabay dood-da ,taasi oo ay
ku sheegeen in ay abuuri karto kalsooni darro la xiriirta habka loo maamulayo
doorashada.
Ugu danbayn, guddiga doorashada oo horey dood-da
musharaxiinta ugu asteeyay 31 bishan ayaan wali ka hadlin dib u dhacan ku yimid
dood-da ,waxaana qaar kamid ah siyaasiyiinta ku sugan Muqdisho ay saadaaliyeen
in ay suurtagal tahay in maalin kale lagu daro jadwalka doorashada.
Faysal M. Hassan
[email protected]