4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 31, 2017
Dowladda Soomaaliya oo jawaab ka bixisay go’aanka madaxweynaha Mareykanka

 Talaado, Janaayo, 31, 2017 (HOL) -- Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliya, C/salaan Hadliye Cumar, ayaa sheegay in ay ka xun yihiin go’aanka uu Madaxweynaha Mareykanka toddobo dal, oo Somaliya ku jirto uu kaga mamnuucay dalkaasi.

Donald Trump, ayaa maalintii Jimcaha saxiixay awaamiir uu dadka u dhashay dalalkan kaga mamnuucayo in ay yimaadaan Mareykanka.

Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliya, ayaa tilmaamay in guud ahaan Somalida oo dhan ay ka xun tahay go’aankan uu qaatay madaxweynaha dalka Mareykanka, isaga oo sheegay in go’aankaasi uu ku soo aaday, xilli Somaliya ay ka soo kabaneyso dagaalo sokeeye, horumarna ay samaynayso.

Hadliye ayaa sheegay in xukuumada Soomaaliya ka xun tahay in farta lagu soo fiiqo dadka Somaliyeed, xilli sida uu sheegay ay la dagaalan kula jiraan kooxo meel wayn kaga jira argagixisada caalamka.

Isaga oo ku sugan magaalada Addis Ababa ayuu Xukuumadda Washington ugu baaqay in ay dib isugu laabato, arrintaana ay si dhakhsi ah u soo afjarto.

Wasiirka oo la hadlay VOA, waxna laga weydiiyay tallaabada Somaliya kaga aadan go’aanka Trump, ayuu sheegay in arrintaasi ay mowqif ka qaadan doonaan.

Ugu danbeyntii, go’aanka ayaa durbaba saameeyay qoysas Somaliyeed oo dib u dejin ka helay Mareykanka. Qoysaskan oo qaxooti ku ah xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab, ayaa walaac ka muujiyay qaraarka uu saxiixay Madaxweyne Trump.

 C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]