4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 31, 2017
200 oo qof oo Soomaali ah oo Mareykan u socday oo ku xayiran Kenya

 

Talaado, Janaayo 31, 2017 [HOL]-Qaxooti Soomaaliyeed oo mamnuuca socdaalka ee Donald Trump uu soo rogay uu saameeyay ayaa iminka ku xanniban Kenya.

 

Qaxootigaa ayaa waafaqay dhammaan sharuudihii loo baahnaa. Hase ahaatee, in ka badan 200 oo qaxootigaa ah oo duulimaatka sugaayay un ayaan u safri karayn Mareykanka.


Qaxootigaa ayaa ka yimid xeryaha Dhadhaab Nairobi ayayna duulimaadyada u imaadeen. Si kastaba ha ahaatee hayada socdaalka ee QM ee IOM ayaa usheegtay in la baajiyay socdaalkooda. 

 

Sargaal sare oo ka tirsan QM ayaa sheegay in Trump mamnuucida uu soo rogay ay saamaysay.

 

Yvonne Ndege waxay dhanka saxaafada u qaabilsan tahay QM. Waxay sheegtay in 13,000 oo Soomaali ah laamaha socdaalka ee Mareykanku ay ansixiyeen duulimaadyadooda balse amarka Trump dartii socdaaladooda loo hakiyay.

 

13,000 oo kale oo qaxooti ah ayaa sidoo kale ay sheegtay in wali ay wax marayeen amarka ka hor.

 

Qaxootiga Soomaalida ah ayaa Kenya kunoolaa wixii ka dambeeyay 1991 markii dawladii dhexe ee Soomaaliya ay burburtay.

 

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]