4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 31, 2017
Soomaalida Koofur Afrika: Weerar ayaa na heysta

 

Talaado, Janaayo 31, 2017 [HOL]-Soomaalida Koofur Afrika ku nool oo muddo dheer dil iyo dhac lagu hayay ayaa iminka qeylo dhaan diraya ayagoo sheegaya in weeraro hor leh ay heystaan.

Ururka u dooda Soomaalida dalkaa ee Save Somali Community (SSC) ayaa ku eedeeyay muwaadiniinta dalkaasi Koofur Afrika inay bartilmaansadaan Soomaalida dalkaa kunool gaar ahaan kuwa daggan galbeedka Cape Town.


Wuxuu SSC sheegay in Soomaali 8 ah la dilay mudadii halka bil ahayd ee aanu soo dhaafnay!


“Weerar inuu na haysto ayaanu dareemeynaa. Ganacsatadeenu xataa waxay ka baqayaan inay dibada dukaamadooda u baxaan oo gudaha ayay iska joogaan." Ururka SSC ayaa sidaa yiri.

Dalka Koofur Afrika ayaa waxaa lagu laayaa ajaaniibta gaar ahaan Soomaalida.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]