4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 31, 2017
Midowga Afrika: Dadkeena waxaa Mareykanka lagu geeyay adoonsi

Talaado, Janaayo 31, 2017 [HOL]-Ururka midowga Afrika oo iminka shir ku leh Addis Ababa Itoobiya ayaa sheegay in dadka Afrikanka ah (African Americans) markii hore in la odoonsado loo geeyay Mareykanka.

Waxay madaxdaasi sheegeen in markii hore African American-ka aan qaxooti ahaan Mareykanka loo geyn. Arinkaan ayaa kusoo aaday ayadoo amar socdaal lagu soo rogay muwaadiniinta dalal todobo ah.

Dalalkaa ayaa waxaa kujira 3 dal oo qaarada Afrika dhaca kuwaasoo kala ah Liibiya, Soomaaliya iyo Suudaan.

Dalalkaa ayaa muwaadiniintooda amarku ka mamnuucayaa inay si sahal ah ku galaan Mareykanka.

'Tani waa caqabade maxaanu ka yeelnaa?' Sidaa waxaa tiri haweyneyda xilkeeda guddoomiye ee ururkaa uu iminka dhammaaday ee Nkosazana Dlamini-Zuma.

Waxay sheegtay awal in arinku adoonsi maraayay hadana loo rogay qaxootiga Afrika in lagu dhibo galitaanka Mareykanka!

Toban maalmood kadib markii xilka uu qabtay madaxweynaha cusub ee Mareykanka DonaldTrump ayuu ku dhaqaaqay go'aano badan oo muran dhaliyay asagoo iminka cabsi weyn ka dhex abuuray gudaha dalkaasi Mareykanka iyo qeybo kale oo ka tirsan caalamka.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]