4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 30, 2017
Sargaal ka tirsanaa ciidamada dawlada oo qarax lagu dilay

 

Isniin, Janaayo 30, 2017 [HOL]-Sargaal ka tirsanaa ciidamada dawlada ayaa caawa qarax ku dhintay magaalada Muqdisho.

Dhowr qof oo kale ayaa qaraxaa oo ka dhacay meel u dhow maqaaxi ay askar ciidamada dawlada ka tirsani ku sugnaayeen ku dhaawacmay. Maqaaxida ayaa u dhow kulliyada Jaale Siyaad.

Askariga dhintay ayaa ilaa hada magaciisa warbaahintu heshay waxaa lagu soo koobay Baddal. Dadka dhaawaca ah ayaa waxaa iyana kujira dad rayid ah.

Ilaa hada oo aanu warbixintaan qoreyno cid sheegatay inay qaraxaa ka dambeysay ma jirto.

Si kastaba ha ahaatee, xarakada Al-shabaab ayaa qaraxyo ka geysata Muqdisho iyo qeybo kale oo ka tirsan Soomaaliya. 

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]