4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 30, 2017
Dad gobolka Baay ugu geeriyooday biyo sumeysan oo ay cabeen

Isniin, Janaayo, 30, 2017 (HOL) – Wararka ka imanaya gobolka Baay ee maamulka gobolleedka Koonfur galbeed ayaa sheegaya in deegaan lagu magacaabo Masuubiye oo u dhaxeeeya magaalooyinka Baydhabo iyo Awdiinle ugu geeriyoodeen 32 ruux biyo sumeysan oo ay cabeen.

Dadka ayaa la sheegay in ay u dhinteen biyo ay cabeen,waxaana goobjoogayaal ku sugan  deegaanka ay mashaqadan ka dhacday sheegeen in la sumeeyay War-biyood ay ka cabi jireen.

Wasiirro ka tirsan maamulka Koofur Galbeed oo tagay goobta ayaa sheegay in warbiyoodka ay sumeeyeen sida ay hadalka u dhigeen Al-shabaab.

Wasiirka hub ka dhigista iyo dhaqan celinta maleeshiyada Xassan Xusseen [Eelay] ayaa warbaahinta u sheegay in dadka geeriyoodeen isugu jiraan, carruur, haween iyo dad da’ah.

Siddoo ku dhowaad 10 Qof ayaa xaaladooda caafimaad waxaa ay tahay mid darran, maadaama ay isticmaaleen Biyaha laga soo dhaamiyay War-biyoodka sumeysnaa.

Warka arinta ku saabsan oo ah mid goor dhaw soo ifbaxay ayaa laga heynin faah faahin intaa dhaafsiisan marka laga soo tago in dadkan isticmaaleen biyo la sumeeyay.

Ugu danbeyntii, waa tiradii ugu badneyd oo dad ah oo mar kaliya u dhimata biyo sumeysan oo ay cabeen, iyadoo deegaannadaa ay ka jiraan xaalado abaareed oo aad u darran.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]