4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 30, 2017
Xog-hayaha guud ee QM iyo madaxweynaha Uganda oo ka wada hadlay xaalada Soomaaliya

 

Isniin, Janaayo, 30, 2017 (HOL) – Magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya gaar ahaan xarunta dhexe ee ururka midowga Africa waxaa kulan ku yeeshay madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni iyo xog-hayaha cusub QM Antonio Guterres.

Labada mas’uul ayaa ka wada hadlay xaalada amniga dalalka Soomaaliya, South Sudan, Burundi iyo Koongada Dimquraadiga, maadaama dalalkan ay ka jiraan xaalado qatar oo dhinaca amniga ah.

Waxa ay si gaar ah kulankooda diirada ugu saareen xaaladda Soomaaliya, howlgalka AMISOM iyo xilliga kala guurka ee Soomaalia oo doorashada Madaxweynaha ay ka dhaceyso 8-da Febraayo 2017-ka.

Madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni ayaa Xoghayaha Guud ee Qarmada Midoobay ka codsaday in dalkiisa laga taageero xaaladda Qaxootiga ku sugan Uganda, si dadkaasi ay u helaan cuno ku fulin.

Sidoo kale dhinacyadan ayaa waxaa ay isla garteen sidii dalka Soomaaliya looga taageeri lahaa baahida la xiriirta dhismaha aragtida siyaasadeed ee Qaranka Soomaaliya.

Ugu danbeyntii, magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya maanta waxaa ka furmaya shirweynaha 28-aad ee hoggaamiyeyaasha Qaarada Africaa, waxaana shirkaas ka qeyb galaya qaar ka mid ah madaxweynayaasha dalalka africa.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]